Iska-horimaad Maanta ka dhacay Caasimadda Bujumbura oo lagu dilay lix Qof oo shacab u badan + SAWIRRO

0
877
Bujumbura, (HargeisaPress) —Magaalada Bujumbura ee Xarunta dalka Burundi ayaa waxaa dib uga soo cusboonaaday Colaado u dhexeeya Ciidamada Booliiska iyo Dadweyne Taageersan kooxaha Mucaaradka ah ee diidan in Madaxweynaha dalkaas uu mar kale xilka Qabto.Afhayeenka Booliska Burundi ayaa warbaahinta u sheegay maanta oo Arbaco ah in in isku dhacyo dhexmaray ciidammada iyo dad rayid ah lagu dilay 6 qof, tiro intaa ka badanna lagu dhaawacay.

Opposition protesters and others hold their hands in the air when confronted by Burundian riot police in the capital Bujumbura, Burundi Monday, April 27, 2015. Street protests continued Monday in Burundi as anger mounts over the ruling party's decision on Saturday to nominate President Pierre Nkurunziza for a third term. (AP Photo/Eloge Willy Kaneza)
Opposition protesters and others hold their hands in the air when confronted by Burundian riot police in the capital Bujumbura, Burundi Monday, April 27, 2015. Street protests continued Monday in Burundi as anger mounts over the ruling party’s decision on Saturday to nominate President Pierre Nkurunziza for a third term. (AP Photo/Eloge Willy Kaneza)

Xasillooni-darrada ayaa ka taagnayd Burundi tan iyo bishii abriil ee Sanadkan, markaasoo Madaxweynaha dalkaas Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad xafiiska talada dalkaas u tartamayo.

Rabshado_kasoo_Cusboonaaday_Dalka_Burundi (8)

Kooxaha mucaaradka ah ayaa arrintan ku tilmaamay mid sharci-darra ah. Iyadoo ay Goob-joogayaal ku sugan caasimadda dalka Burundi sheegeen in dad hubeysan oo rayid ah ay la dagaalameen ciidamada booliiska dalkaas.

“Iska-horimaadyada maanta dhacay waxaan ku dilnay shan rayid ah oo hubeysan, innagana waxaa nooga dhintay hal askari booliis ah, waxaana nooga dhaawacmay laba askari oo ka tirsan booliiska,” ayuu yidhi Pierre Nkurikiye oo ah ku xigeenka Afhayeenka booliiska dalka Burundi.

Nkurikiye ayaa intaas ku daray in Dagaalku Qarxay kaddib markii Ciidamada Booliisku ay Bujumbura ka billaabeen Howlgal ay hubka uga dhigayeen kooxo dibadbaxyo ka dhigayay xaafadda Mutakura.

“Ciidanku waxay ku guuleysteen inay hub ay ka mid ahaayeen laba qori oo ah kuwa daran-doorriga u dhaca ah iyo Rasaas ay kasoo furteen Dibad-baxyaashii ay isku dhaceen, iyagoo kala eryay, xaaladduna hadda waa deggen tahay,” ayuu hadalkiisa ku daray Nkurikiye.

Rabshado_kasoo_Cusboonaaday_Dalka_Burundi (2)

Dagaalkan dhex-maray Ciidamada Booliiska iyo rayidka hubeysan ayaa imaanaya xilli ay dalkaas ka socdaan doorashooyinka madaxnimada oo murashaxiinta xilka u tartamaya uu ku jiro madaxweynaha xilka haya ee Pierre Nkurunziza.

Ugu dambeyn, 70 qof ayaa ku geeriyooday qalalaasha dalkaas ka socday saddexii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo ay ku barakaceen xasillooni-darrada ka Burundi ka taagan 127,000 oo qof.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here