Hargeysa (Hargeisa Press)- Hadalka ka soo yeedhay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada wuxuu muujinayaa heerka uu taagan yahay fahamka siyaasadeed iyo dawladnimo ee madaxda xukuumadda Waddani — kuwaas oo aan weli kala garan karin xilka qaran iyo danaha xisbiga. Ficilladooda iyo hadalladoodu waxay caddeynayaan in Madaxtooyada loo beddelay xarun xayaysiis oo xisbiga Waddani leeyahay.
Bulshadu waxay ka sugaysay xukuumadda Waddani in ay hirgeliso ballanqaadkoodii sida ‘Kobcinta Maamul Wanaagga.’ Nasiibdarro, tallaabooyinka noocan ah waxa ay muujinayaan in halkii laga horumarin lahaa hay’adaha dowliga ah, la doorbiday in la siyaasadeeyo xafiisyadii loogu talogalay in ay u adeegaan dhammaan shacabka.”
Madaxtooyadu waa astaanta dawladnimada iyo midnimada ummadda. Maaha goob xisbi ku muujin karo midabkiisa ama calaamadihiisa isaga oo ka faa’iidaysanaya xukunka dalka ee uu hayo.
Waxa ceeb ku ah xisbi lagu doortay hannaan dimoqraadi ah, kuna celceliyay dimoqraadiyad iyo dawladnimo in uu maanta ku faano in uu Madaxtooyada u beddelay xarun xisbi.
Xukuumadda Waddani muddadii koobnayd ee talada haysay waxay caadaystay in ay ku xadgudubto dhexdhexaadnimada hay’adaha qaranka.
Ugu dambayn, xisbiyaynta iyo siyaasadeynta xarumaha dowladdu waxa ay dhaawacaysaa kalsoonida iyo midnimada bulshada, waxa ayna khatar ku tahay haykalka dawladnimo ee aynu dhisanaynay muddada dhawr iyo soddonka sanno ah.
Wasiir hore Dr. Cabdiweli Sheekh Suufi Jibriil