“Imtixaankan waxaa u fadhiistay 980 waxaana la qaadan doonaa 300”…

0
679

Hargaysa (Hargeisa Press.com):  Dhalinyaradii soo dhamaystay barnaamijka shaqo qaran ayaa maanta u fadhiistay imtixaan shaqo oo ay u galeen shaqaale ay qaadanayso shirkadda safaynta Saliida ee Singapore New Silk Energy Somaliland (SNSES).

Xubnahan u fadhiistay imtixaanka oo tiradoodu gaadhaysay in ka badan 900 qof oo ka mid ah  dhalinyaradda barnaamijka shaqo qaran ayaa u tartamaya saddex boqol oo jago oo ay hore u shaacisay  Singapore New Silk Energy in ay ka qaadanayso dhalinayradda dhamaystay shaqo qaran.

Imtixaankan lagu kala xulayo dhalinyaradani oo lagu qabtay xarunta jaamacadda Hargaysa,  waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha barnaamijka  shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka).

Mu’adinka, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in imtixaankaasi ay u fadhiisteen ardaydii shaqo qaran oo keliya gaar ahaana kuwoodii soo codsaday, isla markaana aanay jirin cid kaloo dibadda laga keenay oo imtixaankaasi gashay.

Maxamed Xuseen Cismaan, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Dhalinyaradda imtixaankan gelaysaa waa dhalinyaraddii shaqo qaran oo keliya.

Qof kastoo aan sidan ID Card-kii,  imtixaanka shaqo qaran,  kama qayb gelayo, mana jirayso cid dibadda ka timid oo aan ahayn dhalinyaraddii shaqo qaran, oo waliba intii soo codsatay inay imtixaankani gelaan.

Waxaan joog-naa xaruntii Jaamacada Hargaysa oo maanta (shalay)  uu ka socdo imtixaankii shirkada Singapore New Silk Energy Somaliland (SNSES). Imtixaankaa oo lagu tartamayo saddex boqol (300)   oo jago oo ay qaadanayso shirkadaasi.

Imtixaankan  waxaa u fadhiistay tirro shaqo qaran ka mid ah,  oo gaadhaysa sagaal boqol iyo sideetan (980) xubnood.  Waxaana  ka soo bixi doona saddexda boqol ee ugu derejadda sareeya”.

Waxa kaloo uu ka warbixiyay qaybaha uu imtixaankaasi ka kooban yahay iyo siyaabaha loo kala xuli doono dhalinayaradan imtixaanka u fadhiistay.

“Imtixaanku waa laba qaybood. Midi  waa imtixaan qoraal ah oo hadda ay u fadhiyaan. Waxaana  ku xiga imtixaanka (Interview) waraysi fool ka fool ah, oo  dhalinyarada mid mid loola kulmayo.

Labadaa qaybood ayuu imtixaan inta ugu wanaagsanaata ayay shirkadu qaadan doontaa,  si fiican bay u socotaa ilaa hadda”ayuu yidhi Mu’adinka.

Geesta kale guddoomiyaha barnaamijka shaqo qaran waxa uu u mahad celiyay shirkadda safaynta Saliida ee Singapore New Silk Energy Somaliland (SNSES) fursadda ay dhalinyaradan u siisay in ay imtixaan u galaan shaqooyinka ay siinayso.

Waxaanu yidhi  “Waxaan u mahad naqaynaa shirkada Shiinaha ah  ee fursada siisay dhalinyaradu inay u tartamaan,  oo ay qalinkooda adeegsadaan iyo aqoontooda ku kala baxaan.

Dhalinyaradda inta guulaysata waxaa loo tababari doonaa inay ka shaqeeyaan wershada Saliida sifaynaysa ee dhismaheedu ka socdo magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil. Waxaan u rejaynaynaa nasiib wacan dhalinyaradaasi”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here