Imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland oo la soo gaba-gabeeyay

0
757

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo uu weheliyo Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka, ayaa maanta si rasmiya u soo xidhay imtixaanka dugsiyada sare iyo guud ahaanba imtixaanka shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2023-2024.

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo ka hadlay xidhitaanka imtixaanka, ayaa ku dheeraaday maraaxilkii uu soo maray imtixaankani isagoo sheegay in la bilaabay diyaarintiisa horaantii sannadkan intaana xafiisku ku jiray diyaar garow balaadhan. Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa  sheegay in xafiiska iyo wasaaradu ku talaabsadeen is badalo waawayn oo lagu tayaynaayo waxbarashada ayna noqon doonaan kuwo joogto ah.

Guddoomiyaha, ayaa sheegay in imtixaanka la gaadhsiiyay dhamaanba xuduudaha dalka iyo gobolada Somaliland, waxaana uu ugu danbayntii u mahadnaqay guud ahaanba hawl wadeenada xafiiska imtixaanaadka qaranka iyo guud ahaanba bahda waxbarshadda oo uu ugu horeeyo wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, wasiir ku xigeenka, agaasimaha guud iyo dhamaanba agaasime waaxeedada W.W&S.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Dr Axmed Aadan Buuxane ayaa dhankiisa sheegay in imtixaanku kusoo dhamaaday si guula  ardaydana uu Alle uga baryaayo inay guulaystaan, isagoo sheegay in qorshaha la dagaalanka qishka la diyaarinaayay muddo 6 bilood ah.

Ugu danbayn wasiirka,  ayaa u mahadnaqay hawl wadeenada xafiiska imtixaanaadka qaranka oo ah kuwa suurto galiyay hawshan baaxada leh, sidoo kale wasiirku wuxuu u mahadnaqay ciidamada booliska JSL oo si xilkasnimo leh uga qayb qaatay sugida amniga goobaha imtixaanka lagu galaayo iyo dhamaanba intii ka qayb qaadatay ee ay u horeeyaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, Guddia waxbarashada, Warbaahinta iyo guud ahaanba bulshawaynta reer Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here