Heestan waxa Sammeeyey Mujaahid Cabdi Muxumed Yuusuf (Cabdi Madoobe ) waana Hees ay wada jir ugu luuqaynayaan Wiil iyo Gabadh uu Jacayl dhex maray oo isku af gartay in ay Reer yagleelaan isla markaana ay Raas wada degaan, hasa yeeshee, waayaha Nolosha mid daraf ka soo is taagay. Heestiina waa tan:
- Wiil
Bilaneey Adduunyadu
Waa Buug Dabayl yaal
Hadba baal rogmanaya
Waxaan kaaga soo bixin
Baadidoon laguma helo
Baahidiyo dhereguna
Way baratamaayaan
Ninkii Maanta buuxaa
Baritana ka faro madhan
Aniguna ma Baahdaha
Baabocooyinkaygaan
Soo buuxi leeyahay
Kooras
Rabibaan baryaynaa
Isagaana bixin kara
Tan aad baafinaysee
Baayacaada iga daa
- Gabadh
Ereygaan bishii hore
Kugu idhi bildhaanoow
Hadaad bayr ka leedahay
Bal aan kuu tilmaamee
Hadaan boodhka loo galin
Birta ciida laga shubin
Bada lagama gooshee
Boyda samada duushana
Baylood ma kiciyeen
Badheedhaha ujeedada
Adigoon is baal marin
Waan kuu bayaanshee
Kooras
Bu’da Hadalku waxay tahay
Boqor in uu Arsaaq yahay
Cidi beenin maysee
Balse shaqa taguu yidhi
- Wiil
Bani aadamkoo idil
Ninka aan bar xoolaad
Bil dhaanteed lahayniyo
Bil yanaadku wiilkay
Bangiyada u yaalaan
Boqorka way u siman yihiin
Yaan bilista Xaawalay
Been kuugu sheekayn
Burburkeena ruux jecel
Bohol yaanu kuu qodin
Runta lagama baydhee
Caashaqa ha baabiin
Ila beegso waayuhu
Barta uu inagu furo
Kooras
Rabibaan baryaynaa
Isagaana bixin kara
Tan aad baafinaysee
Baayacaada iga daa
- Gabadh
Buur haysku qaadine
Badahaa adoon galin
Bahalaha gur guurtiyo
Bog intii ku socotiyo
Baabaca wixii dhiga
Baalalayda duushaa
Bidha waaga subaxii
Waxay baadi goobaan
In ay baahi reebaan
Ana boowe kuma odhan
Wax ka baydhsan Diintee
Ha iska boodine joog
Kooras
Bu’da Hadalku waxay tahay
Boqor in uu Arsaaq yahay
Cidi beenin maysee
Balse shaqa taguu yidhi
Mujaahid Cabdi Muxumed Yuusuf (Cabdi Madoobe )