Hoggaamiyeyaasha Yurub oo go’aan ka gaadhay Magan-galyo doonka ku Qulqulaya Yurub

0
1036

Brussels, (HargeisaPress) —Hoggaamiyayaasha Dalalka Yurub oo magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium ku kulmay ayaa ka hadlay sidii ay uga hor-tegi lahaayeen dadka tirada badan ee ku qulqulaya Yurub, kuwaasoo kasoo tallaabaya biyaha u dhexeeya Yurub iyo Afrika.

Tallaabooyiinka ay ka qaadayaan madaxda Yurub ayaa waxaa ka mid ah; in dalalka qaar ay si iskood ah u qaataan qaar ka mid ah dadka magangalyo raadiska ah ee gaadhaya dalka Taliyaaniga.

Sidoo kale, waxay isku raaceen in tallaabo adag laga qaado kuwa aan u qalmin in magan-galyo la siiyo, dibna loogu celiyo dalalkii ay markii hore ka yimaadeen ama u dhasheen.

Tahriibayaasha_oo_Go'aan_laga_gaaray

Kullankan ayaa imaanaya iyadoo boqollaal kun oo tahriibayaal ah ay sanadkan lagu jiro oo keiya ka gudbeen xuduudaha dalalka Yurub, kuwaasoo isugu jira Afrikaan iyo dad kasoo jeeda dalalka Qaaradda Eeshiya Qaarkood.

Hoggaamiyeyaasha Dalalka Reer Yurub oo wajahaya Tahriibayaasha kasoo Tallaabanaya badda Mediterranean-ka ayaa Sheegay in Muhiimaddooda Koowaad ay tahay inay ka hor-tagaan tahriibayaasha sharci-darrada ah ee Yurub soo gala iyo inay qaadaan Tallaabooyin adag oo muhaajiriinta aan u qalmin in magan-galyo la siiyo dib loogu celinayo.

Ra’iisul wasaaraha dalka Spain ayaa ku baaqay heshiisyo dheeraad ah oo lala galo dalalka ay tahriibayaashu ka soo jeedaan, iyadoo kooxaha dadka tahriibiya si cad loogu sheegayo inay tahriibinta joojiyaan iyo in Ruux kastaa oo Yurub si Sharci-darrada ah kusoo gala loo celiyo dalkiisa.

Sidoo kale, David Cameron-ka dalka Britain ayaa isna sheegay in dalkiisa uu doorkii looga baahnaa ka Qaadanayo soo badbaadinta Muhaajiriinta ku sugan badda gudaheeda iyo in la soo qabqabto kooxaha burcadda ah ee ka dambeeya qulqulka muhaajiriinta sharci-darrada ah.

Laakiinse, Ma jirin wax Heshiis ah oo ku Saabsan in si siman loo Qaybsado Dadkaasi soo galootiga ah; si Dalalka Talyaaniga iyo Giriigga looga Caawiyo in laga yareeyo Culeyska Tahriibayaasha ee hadda saaran.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyeyaasha Dalalka Yurub ayaa kawada hadlay Qaab KMG ah oo 40,000 oo magan-gelyo doon ah la geeyo Waddamo kale oo Reer Yurub ah, Balse sida loo Qayb-sanayo ayaa la dhowrayaa in go’aan kama dambeys ah laga gaadho.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here