Laascaanood: Maayarka Oo Dhagax Dhigay Waddo Laga Hirgelinayo Magaaladaasi

0
576

Laascaanood (HP): Maayarka magaaladda Laascaanood ayaa dhagax dhigay jid isku xidhaya Qubuuraha Sayidka iyo magaaladaasi.
Kharashka dhismaha jidkaasi ayaa laga maalgelinayaa mashruuca JPLG ee dawladda hoose ee Laascaanood.


Waddadan oo laga dhigayo Laami ayaa ah mid ay aad ugu baahnayeen bulshadda magaalada Laascanood
Taasoo dedaal dheer kadib si rasmiya loo dhagax dhigay loona bilaabay.
Sida uu sheegay maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu maanta dhagax dhigaynaa waddada Laamiga ah ee isku xidhaysa xabaalaha Sayidka ee Laascanood iyo magaaladda inteedda kale.
Jidkaasi oo laga maalgelinayo mashruuca JPLG ee dawladda hoose ee Laascaanood”.
“Waddadan ayaa ah mid ay aad ugu baahnayeen bulshadda magaalada Laascanood. Taasi oo dedaal dheer oo aan samaynay kadib maanta si rasmiya loo bilaabey” ayuu yidhi C/casiis Taarwale.


Geesta kale dhagax dhiga wadaddaasi waxaa maayarka ku wehelinayay maayatlr ku-xigeenka degmada Laascanood.
Xoghaya fulinta dawlada hoose ee Laascaanood, qaar ka mid ah xildhibanada golaha deegaanka.

Injineerada dawwlada hoose ee Laascaanood, iyo masuuliyiinta shirkada Shire construction ee dhisaysa Wadadaasi iyo cuqaasha magaalada.

Hargeisa Presa.com/Hargeisa Offi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here