Mar aan weydiiyay heesta uu heesihiisa ugu jecel yahay, wuxu iigu jawaabay:“Heesahayga hadba heestii iigu danbaysa ayaan ugu jecelahay, sida hadba carruurta ka uugu dambeeya loo jecel yahay.”
Maxamed Axmed Kuluc, 11/12/2005tii, Hargeysa
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Hargeysa, 21/1/2015ka,
Qormada: 4aad
Maxamed Axmed Kuluc in kasta oo uu ahaa fannaan ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed, haddana wuxu qaar badan oo la mid ah kaga duwanaa xidhiidhkii ballaadhnaa ee faraqyada badan lahaa ee ka dhexeeyay isaga iyo qaybo badan oo bulshada ka mid ahaa. Da’da uu ahaa, waayo-aragnimadiisii hodanka ahayd, dabeecaddiisii wanaagsanayd ee u saamaxday dad-la-socodka iyo xidhiidhadiisii faraha badnaa ayaa ka dhigay qof bulshadu u wada furan tahay oo aan meelna ku qaloon.
Maxamed Axmed wuxu ku bilaabay heesaa qaybo badan ka qaaday Qaraamigii ama Heellooyinkii. Wuxu ka mid ahaa aasaasayaashii ugu horreeyay ee ballaysimay Kooxdii Walaalo Hargeysa ee bud-dhigga u ahayd fanka Soomaaliyeed curashadiisii, barbaarintiisii iyo faafintiisiiba. Maxamed Axmed wuxu ka mid ahaa da’dii ku soo ag koortay macallinkii Qaraamka, miyuusigyahankii, heesaagii iyo soo-saarihii Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe.
Maalintaa aan maalmahaba iigu jirin ee aanu wada fadhinay gurigayga Maxamed Axmed Kuluc, waxa isaguna na whelinayay nin Jarmal ah oo aanu saaxiibbo ahayn isla markaana wada shaqayn jirnay oo la yidhaahdo Ulf Terlinden. Maxamed Axmed wuxu maalintaa ka muddakarooday aqoontii uu u lahaa Cabdillaahi Qarshe gaar ahaan curintiisii alxaanta. Sidii uu hore iigu sheegay maalin aan wareystay Xaaji Gujis, ayuu Maxamed Axmed ka markhaati-kacay.
Cabdillaahi Qarshe riyo aad u fog ayuu Fanka ka lahaa oo aanay la wadaagin fannaaniinta intooda badani. Wuxu ku riyoon jiray in uu fanka Soomaaliyeed gaadhsiiyo heerka uu markaa taagnaa ka carbeed. Beryahaa fanku bilaabmayay gaar ahaan Heellooyinkii Cabdillaahi Qarshe keli ayuu ku ahaa laxan-curinta in kasta oo waayadii dambe si aan sidaa u sii ballaadhnayn loola wadaagay. Marka aynu Qaraamigii ama Heelloyinkiiba isku koobno waxa kale oo aynu soo qaadan karaynaa ragga ay ka midka yihiin ama ay ka midka ahaayeenba: Halac, Gu’-roon-jire, Saxardiid, Xudeydi iyo qaar kaloo badanba waa halkii Maxamed Mooge e’, Ilaahayna naxariistii Janno ha ka waraabiyo.
Laxan-curintu Cabdillaahi Qarsheu waqti ayay ku qaadan jirtay: Toddobaad ilaa saddex toddobaad ayuu codkiiba ku qaadan jiray. Sidaa uu u sheegay Maxaed Axmed si la mid ah ayuu Xaaji Gujisna iigu sheegay. Xaaji Gujis wuxu tusaale u soo qaatay maalmihii Cabdillaahi Qarshe laxanka u samaynayay Heellada Isku-shuban oo qaadatay saddex toddobaad.
Maxamed Axmed Kuluc kama uu fogayn inta badan Cabdillaahi Qarshe oo gacantiisa midig ayuu ahaa. Sidaa darteed ayuu Cabdillaahi Qarshe alxaanta iyo codadka uu curiyo ugu jitaabin jiray Maxamed Axmed. Heellooyinka uu Cabdillaahi gaarka u qaadi jiray waxa ka mid ahaa: Caweys iyo Gargaar oo Xuseen Aw Faarax laha kuna jiray Riwaayaddii Isa-seeg. Heelladii Masallaha iyo kuwa dhaadheer oo dhanna Cabdillaahi ayaa qaadi jiray, fannaaniinta kalena waa ay u jiibin jirtay.
Masallaha: Waxay ahayd Heello uu iska lahaa curinteeda iyo muusiggeedaba Cabdillaahi Qarshe oo uu isagu ku qaadi jiray, fannaaniinta kalena u jiibin jireen oo lagu soo marayay magaalooyin badan oo Geeska Afrika ka tirsan. Waxay ahayd 1958kii, waxaana midhaheedii ka mid ahaa:
“Masallahan hawl yaraan mushaaxaayoow,
Muqdishaa mudane I soo mariyoo,
Jabuuti markaad dul joogtana,
Jacaylkooda waan jibboodaa,”
Waxay u dhigmaysay “Busaada Riixii” Carabiga ahaa,
Maxamed Axmed wuxu maalintaa ii sheegay in in kasta oo laga yaabo in fanka Daantaa loo tiriyo, haddana xaqiiqadu waxay ahayd in aanay Daantaa ku dhuuman kari jirin bal se ay Daantan ku dhuuman kari jireen. Wuxu ku lallabayay oo uu ii sheegay in aanu illoobi karayn nin hudheel ku lahaan jiray meel Dukaankii Jirde Xuseen (Telesom-ta suuqa dhexe) ka soo hor-jeedday oo naanays aanu markaa xusuusnayn lahaa. Waxaan filayaa in ninkaas la odhan jiray Dhidar waxaanu lahaa hudheel laga cunteeyo oo laba albaab lahaan jiray: mid koonfur ah iyo mid woqooyi ah. Waxa kale oo aan filayaa in uu ahaa hudheelkii uu ka shaqayn jiray Saxardiid Maxamed oo Jebiye loo yaqaan, halkaas oo uu fanka kaga soo biiray.
Ereygaa Daantaa waxay ahayd mar labaadkii aan ka maqlo sooyaalka fannaniinta. Waxa kale oo aan xusuustaa oo ahayd markii iigu horraysay ee aan ereygaa maqlo 1993kii, mar aan taariikhdiisii faneed ka duubi jiray Xuseen Jaamac Rooble oo loo yaqaannay Xaaji Gujis. Berigaas ayuu dhowr Xaaji Gujis ku soo cel-celiyay weedha ah: “Intii aanu fanku soo tallaabin.” Marka aad weydiisana wuxu odhan jiray intii aanu Daantan iman. Waa kaftankii xariirta ahaa ee fannaaniinta ee ma aha kaftan-ku-sheeggan naxliga iyo nacaybka cokan ee maanta jira ee qof dan lihi dadka ku kala qoqobayo.
Marka Heellooyinka laga leexdo ee xagga Heesaha loo baydho Maxamed Axmed wuxu aamminsanaa in Axmed Muxumed Good “Shinbir”, uu bilaabay ama ballaysimayba Heesaha. Waxa laga yaabaa in ay dadka qaarkii ama badankkisaba ay isugu mid yihiin Heellooyinka iyo Heesuhu, xaqiiqadu se waxay tahay in ay aad u kala duwan yihiin.
Si kooban aynu isugu deyno in aynu kala saarno ama kala qeexno Heello iyo Hees. Heellooyinku dhisme ahaan ama bad ahaanba dhammaantood waa Dhaanto. Heellooyinka magaca waxa la siiyaa Codka ama laxanka. Midhaha Heelladu cod kasta waa ay geli karaan, waana sirta Qaraamka ee qiimaha iyo qaayahaba u yeeshaay Cabdillaahi Qarshe.
Heesuhu, dhisme ahaan ama bad ahaanba waa badaha oo dhan. Magaca waxa la siiyaa midhaha ee sida Heellooyinka codka lama siiyo. Sida Heellooyinka ma aha ee iyaga Hees walba sideeda ayaa loo qaadaa oo sida heellooyinka midhuhu mid walba ma galana. Heellooyinku waxay waxay bilaabmeen kontameeyadii ilaa 1962kiina waa ay joogsadeen oo dib dambe looma curin. Wixii ka dambeeyay xilligaas oo dhami waa Hees, waana kuwaa ilaa manta socda.
Maxamed Axmed wuxu ahaa nin xarrago badan oo dhar-xidhasho fiican. Xarragadiisu dharka iyo socodkaba waa ay ka muuqatay isaga oo sida dibida xataa mararka qaarkood madaxa ka xarragoon jiray. Wuxu ahaa qof farxaan ah oo weji furan oo inta badan qosli jiray ama ilko-caddayn jiray xataa mararka uu heesayo ama riwaayadaha jilayaba. Gadhka lama bixin jirin. Shaarubaha wax yar oo labada dul ku beegan ayuu la hadhi jiray sida rag ay ka mid ahaayeen: Cadiraxmaan Tuur, Jeneraal Liqliqato iyo qaar kaleba. Aad ayuu u kaftan badnaa. Maalin aanu Xamar wada soconnay oo aan gaadhiga waday ayuu gabadh la kaftamay. Waddadii Madaxtooyada ayaanu xagga Siinay uga baxnay annaga oo rabnay in aanu xaggaa Hodan u kacno. Gabadh qurux badnayd oo xarrago la tiicaysay ayaa naga soo hor baxday. Maxamed Axmed ayaa qoorta la yar baxay oo ku yidhi: “Waah…Waah Waxaasaa jacayl ah.” Hadalkii inta ay dhibsatay ayay na maagtay. Gaadhigii inta aan joojiyay ayaan u degay oo ku idhi: “Ha naga cadhoon ninka hadalka ku yidhi waa Maxamed Axmed e’.” Inta ay nagu soo noqotay ayay Maxamed Axmed labadiisa dhaban labadeedii gacmood saartay oo ay sidii wax dhunkanaya ‘mu’ tidhi, waxaanay raacisay: “Abboowe macaan raalli ahaw, adiga kuma moodayn.”
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)
Qaybtii 3-aad
Mar aan weydiiyay heesta uu heesihiisa ugu jecel yahay, wuxu iigu jawaabay:
“Heesahayga hadba heestii iigu danbaysa ayaan ugu jecelahay, sida hadba carruurta ka uugu dambeeya loo jecel yahay.”
Maxamed Axmed Kuluc, 11/12/2005tii, Hargeysa
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Hargeysa, 20/1/2015ka,
Qormada: 3aad
Maxamed Axmed Kuluc, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, marka aynu ka hadlaynno, waxaynu ka hadlaynnaa guud ahaanba fanka Soomaaliyeed, gaar ahaanna heellooyinka, heesaha, masraxa, miyuusigga iyo alxaanta.
In kasta oo uu hoyday maanta, nasiib-darraduna ay tahay in aynaan dhaxalkii ummadeed ee uu maskaxdiisa ku keydiyay wax badan kala hadhin, haddana xaqiiqadu waxay tahay in uu ka mid ahaa dadka ugu mudan ee taariikhda ahaanba fanka Soomaaliyeed laga martiyi karayay.
Maalintaa aanu gurigayga wada fadhiisannay, waxoogaa aan ka qoray ayaan jeclahay in aad ila wadaagtaan. Mar walba maankayga kama ay bixin in Maxamed Axmed iyo dadka la midka ah wax laga reebo. Maalmahan dambe oo dhanba waxaan la kulmayay arday wax ka barata Jaamicadaha gaar ahaan Jaamicadda Hargeysa. Waxay diyaarinayeen qoraalkoodii qalin-jebinta iyo qaar sidooda kale wax u qorayayba.
Waxay wadeen hawlo ay Jaamicaddoodu u soo dirtay oo la xidhiidhay waxbarashadoodii taxanaha ahayd. Maxamed Axmed markaa Hargeysa ayuu inala joogay. Waa uu xanuunsanayay. Waxaan ka baqday in uu isaguna la galbado dhaxalka ummadeed ee uu muddada dheer soo keydinayay. Waxaan si fiican u xusuustaa in aan gabadh ardaydaa ka mid ahayd oo wareysi iigu timid ka codsaday in ay Maxamed Axmed wixii ay ka reebi karto ka reebto. Waxaan u sheegay in uu jiifo qolalka lacagta ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, gaar ahaan qolka 7aad. Gabadhaas oo uu magaceedu ahaa Nasra Cali Nuux waa iga yeeshay codsigii waanay u tagtay. Nasiib-darro ma uu hadli karayn. Walaashii Caasha oo la joogtay ayaa ka codsatay in ay ku soo noqoto marka uu ladnaado. Ilaahay ma qaddarin Maxamed Axmedna sidii ayuu ku hoyday, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.
Gaaxdii Maxamed Axmed aan ka qoray 11/12/2005tii, waxa ka mid ahaa sidii uu u kala qalay Kooxihii fanka ee jiray xilligaa ay heeellooyinku curanayeen ee bilowga ahayd. Bal hadda aynu wadaagno sidii uu u kala saafay Kooxahaa fanka soo tabantaabiyay:
- Taraashibkiioo ahaa dirawalladii dalka iyo inta aynu deriska nahayba u kala gooshi jiray. Dirawalladaasi qiimahooda ayay lahaayeen. Mar waxay ka qayb-qaadan jireen curinta heellooyinka, marna waxay ahaayeen is-gaadhsiinta iyo gudbinta hadba wixii soo baxa ee heellooyin ama buyuud ah. Iyaga ayaa qaadi jiray oo gaadhsiin jiray dadkii ku kala noolaa gobollada dalka iyo dalalka aynu deriska nahayba. Waxaad xusuusataan beydadka ay ka midka ahaayeen: “Nin faro yar iyo fulaa baqayee, waddada laga fiigay fiid mari.” Heellooyinkoodu waxay u badnaayeen faan.
- Bugaanbugtiioo ahayd dadkii inta badan gacan-yaraha xagga guriga ah u ahaa Ingiriiskii dalka xukumi jiray. Xagga dakhliga ayay in badan dadka ku dhaameen, maa daama ay Ingiriiska u shaqaynayeen oo ay ka ag dhawaayeenna waxa loo tirinayay il-baxnimo ay ka soo xigteen nimankaa cad-cad ee ay u shaqayn jireen. Xagga lebbiska iyo dhaqammadana wax ka dara.
- Signaliskiioo isla markaana loo yaqaannay “Dhiidhaadii” oo ahayd kooxdii ku hawlanayd taararka ee ka tirsinayd Boosta iyo Is-gaadhsiinta. Waxay ahayd Koox saamaynteeda ku lahayd guud ahaanba fanka, gaar ahaanna heellooyinka oo qaybihii ay tiriyeen baadi-soocdooda lahayd. Qammaamuurtii kooxdan ka tirsanayd waxa mid ahaa nin la odhan jiray ‘Ayban’ iyo. Buyuuddii Kooxdan waxa ka mid ahaa: “Dhudiyay xalay moodhadh bayla dhexee, miyanu ‘Daily News-ku’ kuu iman.” Waxaan xusuustaa in aan beydkaa ku dhegaystay Heello la yidhaahdo “Roob-doon” oo uu ku luuqaynayay Maxamed Yuusuf Cabdi, Ilaahay ha u naxariisto e’. Waxa igu maqaalo ah in ay soo baxaday 1956kii oo weliba magaalada Burco ay leedahay, ma se hubo.
- ‘Medical Group-kii’ama “Diresarradii”, sidii loo yaqaannayba. Waa Kal-kaaliyayaashii ka hawl-geli jiray caafimaadka, gaar ahaan Cisbitaalka Guud ee Hargeysa. Waxay qaadan jireen dhar cad-cad sida dhaqanka caafimaadku yahayba. Waa ay kala sarreyn jireen oo waxay garbaha ku qaadan jireen xadhkahan ay ciidammada ama duuliyayaasha dayuuraduhuba qaataan oo mid, laba iyo saddexba lahaa sida aan ka soo dheegtay xusuustayda gaaban. Ma aan weynayn laakiin waa aan soo gaadhay nimankaas. Iyaguna doorkooda iyo saamayntoodaba waa ay ku lahaayeen korriinka iyo hano-qaadka fanka Soomaaliyeed. Halac oo curiyay codkan Raaxeeye nimankaas ayuu ka tirsanaan jiray. Haddii aan mid iyo laba ka soo qaado curintoodii, waxa ka mid ahaa: “Quraaradayahow dawada quba, oo qalfoof yahow qaada dhaantada”. Waxa kale oo aynu tusaale u soo qaadan karaynaa: “Aniga dhakhtaryahow, dhul baa i bukee, I dhaydhayoo waadhka, hay dhigin.”
- Kabo-caddii oo iyaguna ahaa koox reer magaal ah oo xarrago u kala go’day. Waxay qaadan jireen dhar cad-cad ilaa kabaha, waana sababta loogu bixiyay Kabo-cad. Waxay ahaayeen niman fanka aad u tabantaabiyay oo hirgelintiisa iyo faafiddiisaba kaalin muuqata ka qaatay.
- Al-madartiioo u badnayd dad mutacallimiin ah ama wax bartayba. Waxay dadka dheeraayeen aqoontaa Dugsiyada ay kala yimaaddeen iyo ku-hadalka afafka kale sida Carabiga iyo Ingiriisiga. Waxay iska dhigi jireen in ay dadka ka il-baxsan yihiin oo iyaga ayaa inta badan is-raaci jiray. Waxa kale oo jirtay in ay iyaga iyo ardayda Dugsiyaduba caan ku ahaayeen qaababka loo jilo Riwaayadaha oo inta badan afka Carabiga lagu dhigi jiray, mararka qaarkoodna afka Ingiriisiga. Xafladahaa ardaydu ay Riwaayadaha ku soo ban-dhigi jireen inta badan waxa la qaban jiray xilliyada Dugsiyada loo xidhayo fasaxa ama dib loo furayo ee fasaxa laga soo noqonayo. Riwaayadaha noocan ahi waxay ka mid yihiin sababaha mudanka ah ee dhaliyay Masraxa Soomaaliyeed dhuddiisa ama laantiisa Hereriga ah ama Hargeysaawiga ah.
Sida aan ka soo xigtay dadkii la noolaa ee sida aadka u yaqaannay ama ay nolol-wadaagtaba ahaayeenba, Maxamed Axmed dhalashadiisii ka dib, wuxu ku soo barbaaray oo ku soo koray magaalada Berbera oo uu ka galay dugsiga, in kasta oo aanu dhaafin Dugsiga Dhexe. Dhalashadiisii Hawdku gaar ahaan Oodweyne iyo degaammada ku hareeraysan ee Mohollin, Marsin Qal-qallooc iyo meelo kaleba leh oo u aqoon badan oo dhaqameed kala yimid, haddana taas wuxu ku darsaday oo kale il-baxnimadii magaalooyinka sida Berbera iyo Hargeysa.
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)