Somaliland: Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Faahfaahiyay Noocyada Hubka Uu Sido Markab Berbera Lagu Qabtay

0
1130

breaking newsBerbera, (HargeisaPress) —Ciidanka amaanka xeebaha Somaliland ayaa la sheegay inuu Markab sida Shixnad Hub ah ku qabtay Dekedda Berbera.markabka ayaa Alaabooyin u siday Ganacsato Somaliland ah balse markii laga rogay ayaa xaggiisa hoose laga helay Hub iskugu jira Mid culus iyo Mid fudud.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancadde oo arrintan uga waramay BBC-da ayaa sheegay in Wakhtigii Alaab uu Berbera u siday laga dejinayay uun lagu arkay Hubka Markabku sido islamarkaana Hubku aanu ku jirin Qoraalka muujinaya Qalabka uu sido ee uu soo gudbiyay.

“Markabku wuxuu soo galay Dekedda,waxaanu Berbera u siday Bagaash iyo Gaadiid, markaa kolkii laga rogayay ayaa lagu arkay Hub Ciidan oo ku dhex jira.Hubkaasina runtii kumuu jirin Maanofeeska uu soo gudbiyay, markaa waxay noqontay inaanu baadhno si aanu u ogaano Hubkaas Sharciyaddiisa iyo cida leh iyo meesha uu ka yimid”

Wasiirku waxa uu faahfaahiyay Noocyada Hubkan Markabku siday “Wallaahi wuu badan yahay Hubku, waxaa ku jira Baabuurta Gaashaaman iyo Artilariga boqol iyo dhawr iyo labaatanka Milimitirka ah baa ku jira,Beebee baa ku jira,dhawr baabuur oo kuwa Tiknikada ah baa ku jira,waxaa ku jira baabuurta Qufulan ee Ciidamadu fuulaan, waxaa ku jira Baabuurta kale ee Balad buruufka ah(Aan rasaastu Karin) baa ku jira, doon weyn oo kuwa dagaalka ah ayaa ku jirta” ayuu wasiirku yidhi

Wasiirku waxa uu sheegay inay baadhisi socoto. Waxa uu sheegay in Nimanka wada Markabku sheegeen inay Sudan laga soo saaray Hubka balse aanay hayn wax caddayn ah sidoo kalena ay u sii jeedaan Dubai inkasa oo uu sheegay in Markabku yahay kuwa wareegga oo meelo badan marayo.

Wasiirku waxa uu sheegay inay gacanta ku haynayaan inta laga helayo cidii lahayd iyo meesha uu Hubkani u socday

LEAVE A REPLY