Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo Aqbalay Murrashaxnimada Yaxye Cabdillaahi Araarse + SAWIRRO

0
1050

Hargeysa,(HargeisaPress)- Hoggaanka xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa si buuxda u aqbalay murrashaxnimada Yaxye Cabdillaahi Iimaan (Araarse) oo xisbiga ugu tartami doona doorashada Golaha Wakiillada isagoo metalaya Gobolka Maroodi-jeex

Kulan ka qabsoomay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE maanta, ayaa qaar ka mid ah madaxda sare ee xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), Guddoomiyaha xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdiraxmaan Jaamac Hadhiye iyo xubno kale waxay ku soo dhaweeyeen murrashax Yaxye Cabdillaahi Araarse oo ay wehelinayeen madax-dhaqameed, odayaal, aqoonyahan iyo dhallinyaro ka soo jeeda deegaankiisa.

Xubno ka mid ah madaxdhaqameedka, odayaasha iyo dhallinyarada  oo hadallo ka jeediyey kulankaasi, ayaa soo bandhigay sababta ay tartanka xildhibaanno ugu soo sharraxeen murrashax Yaxye Cabdillaahi Iimaan (Araarse), waxaanay tilmaameen in murrashaxan ay u arkeen inuu aqoon ahaan, dadnimo ahaan iyo xil-kasnimo ahaanba uu u qalmayo xilka xildhibaannada Golaha Wakiillada, sidaas darteedna ay xisbiga ka codsanayaan inuu ka aqbalo codsigooda.

Gebogabadiina, hoggaanka xisbiga KULMIYE waxa uu halkaasi si buuxda ugu aqbalay murrashaxnimada Yaxye Cabdillaahi Araarse inuu ka mid noqdo murrashaxiinta xisbiga ugu tartami doona doorashada Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex.

LEAVE A REPLY