Hoggaamiyeyaasha Soomaalida Minnesota oo walaac ka muujiyay soo noqoshada Trump

0
1044

Minnesota (Hargeisa Press)- Isbahaysi ay ku mideysan yihiin in ka badan 35 imaamyo, culumaa’udiin, iyo hogaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ee Minnesota, ayaa si cad u taageeray tigidhka Harris-Walz intii lagu jiray isu imaatinka Saint Cloud.

Kooxdan kala duwan, oo matalayay codad kala duwan oo ka soo jeeda bulshada Soomaalida ee Minnesota, ayaa walaac xoogan ka muujiyay saameynta ay ku yeelan karto in Trump mar labaad uu caqabad ku noqdo Muslimiinta Mareykanka, iyaga oo bulshada ka codsaday in ay u midoobaan taageerada musharaxnimada Harris-Walz si ay u dhawraan xuquuqdooda.

Kulankan oo ahaa kii saddexaad ee sanadkan ay isugu yimaadaan isbaheysiga, ayaa diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah ee codeynta ee Muslimiinta Mareykanka ee ku nool gobolka Minnesota iyo guud ahaan dalka Mareykanka.

Hogaamiyeyaashu waxay muujiyeen murugo qoto dheer oo ku saabsan rabshadaha ka socda Gaza iyo Lubnaan, iyagoo u ololeynaya xabbad joojin degdeg ah, hagaajinta helitaanka gargaarka bini’aadanimo, soo afjarida gumeysiga Israel, iyo aqoonsiga xaqa ay Falastiiniyiinta u leeyihiin aaya ka tashigooda.

Iyadoo isbahaysigu uu si adag u taagan yahay tikidhada Harris-Walz, waxay sidoo kale caddeeyeen mucaaradad xooggan oo ku wajahan siyaasadaha qaarkood ee khuseeya Gaza iyo Lubnaan.

Waxay ku adkaysteen in siyaasadii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ay khatar weyn ku tahay xuquuqda iyo sharafta bulshooyinka la haybsooco, gudaha Mareykanka iyo kuwa caalamiga ahba.

“Donald Trump waxa uu si firfircoon u buunbuuninayaa kala qaybsanaanta iyo nacaybka, laga soo bilaabo cunsurinimadiisa safarka Muslimiinta ilaa qorshihiisa xagjirka ah ee 2025,” ayuu yidhi Imam Maxamed Mukhtaar. Waxaanu intaasi ku daray, “Ma istaagi karno inta uu u hanjabayo walaalaheenna Falastiin oo uu sii hurinayo Islaam nacayb.”

Madaxda isbaheysigan oo si madaxbanaan u shaqeeya, ayaan matalin urur gaar ah. Taageeradooda ayaa ka tarjumaysa sida wadajirka ah ee ay uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha soo wajaha bulshada Soomaalida iyo u doodista caddaaladda iyo sinnaanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here