HIBADII QARNIGA: (Cabdilaahi Dhoodaan) Qalinka: Axmed Cisman Batuun

0
1649
Axmed Cisman Batuun

Maxaad ka xasuusataa, maxaadse ugu abaal gudi lahayd qof raad wayn ku leh mareegta dhaqanka iyo afka ee degaanka aad ku abuurantahay oo geeriyooday isla markaana loo baahnaa inaad sida umaddaha kale u samayso taallo lagu xuso looguna duceeyo,maxaase loo illoobaa..?!.

 

Hadii dhaqanku abtirsiin leeyahay waa mid ka mida raadraacii loogu imanayay,hadii af soomaali lasoo qaado ma jirin cid la awood ahayd,suugaan,gabay,aftahano iyo farshaxannimo haba sheegin heerkiisa iyo halka uu ka gaadhay,waxaa xiiso gaara leh majaajiladii,maaweeladii,iyo murtidii ay cid waliba fahmi jirtay ee uu hadba farriinta mucda ah bulshada ugu gudbin jiray taasoo qaybaha jacburka la sheego inuu ahaa ninkii daahfuray soomaali oo dhamina u daba fadhiisan jirtay.

 

Cabdilaahi dhoodaan sida la sheegay sanadkii 1948,kii ayuu ku dhashay gobolka doollo ee deegaanka ismaamulka soomaalida itoobiya,isagoo ku barbaaray deegaano hodan ku ah afka iyo dhaqanka soomaaliga,waxaanu ahaa halyay lagu suntay hirgalinta iyo ilaalinta dhaqanka,hiddaha,afka,iyo suugaanta soomaalida.

 

Ilaahay ha u naxariistee waxyaalaha sida gaarka ah loogu xasuusto waxaa ka mid ahaa inuu abwaankani ahaa xaq u dirir aan ka gabban runta isla markaana jecel sinaanta iyo cadaalada waxaana dadkii ay is yaqaaneen xaqiijiyeen in cabdilaaahi dhoodaan uu ahaa nin ku taama in dadku si xor ah u cabiraan fikirkooda isla markaana aaminsan in laga baqo oo keliya ilaahay.

 

taariikhda xaga gabayga iyo abwaan dhoodaan waxa la yaab ah in uu ahaa nin aan gabayga hiddo raacin oo aan hilin dhaxaltooyo ku helin balse uu ahaa mid ilaahay ku manaystay oo si ruuxi ah currinta iyo gudbintaba loogu deeqay(hibadii qarniga).

Cabdilaahi Dhoodaan
Cabdilaahi Dhoodaan

dadka dega mandaqada bariga africa oo ah umadd jecel isla markaana si toosa ugu tamarisa suugaanta ayaa abwaankan u aqoonsan mid ka mida tiirarka ugu waawayn ee bahda suugaanta,waxaanu noloshiisa intii u danbaysay ku qaatay dawlad degaanka soomaalida itoobiya isagoo qayb ka ahaa horumarinta bulshada dhulkaasi iyo guud ahaan wanaag farista dadka ku hadla soomaaliga oo uu aad u jeclaa, waxaana si aada looga naxay geeridiisa oo ku beegnayd 26-4-2013 taasoo waqti kooban ugu gudubtay qaaradaha aduunka isla markaana aad looga hadlay kaalinta ku banaanaatay dadka af soomaaliga ku hadla.

 

Abwaankani wuxuu ahaa nin qabyaaladda ka fogaada oo la dagaalama isla markaana u hiiliya dadka jilicsan kuna xarragooda sharafta ay leedahay suugaantu.

 

Abwaan dhoodaan wuxuu mahadho wayn iyo meeqaam culus ku leeyahay dhamaan dunida muslinka gaar ahaan soomaalida,sidaasi darteed waxaa xusid iyo is xasuusin mudan in la ururiyo isla markaana laga sameeyo buugaag iyo madxafyo taariikhiya hibadii suugaaneed ee abwaan dhoodaan taasoo ay ku duugantahay xikmado iyo aqoon ay ka buuxaan wax tagay,wax jooga,iyo wax soo socda.

 

Waxaa mahad gaara leh oo aan qoraalkan ku xusayaa masuuliyiinta kililka shanaad oo abaabulay waqti aan fogayn tartan suugaaneed loogu magac daray abwaan dhoodaan kaasoo aan odhan karo wuxuu wax yar uun ka ahaa noolaynta taariikhdii dhoodaan,waxaanan ku guubaabinayaa inay sii balaadhiyaan kana qaybgaliyaan guud ahaan soomaalida isla markaan ku sameeyaan horumarin iyo kobcin si loo helo natiijo wax ku biirisa taariikhda iyo xusuusta geesigii afka iyo dhaqanka ee cabdilaahi dhoodaan ilaahay godka ha u nuuree.

 

Gabogabada qoraalkaygan waxaan baaq ugu jeedinayaa dadka ku hadla af soomaaliga anigoo xasuusinaya inay ilaaliyaan luuqadooda sidoo kale madaxda dawladaha geeska africa gaar ahaan soomaalida waxaan leeyahay waa inaad qorshe ka yeelataan kobcinta iyo dhiirigalinta dedaalada lagu noolaynayo afka iyo dhaqanka, sidoo kalena aad ka qaybqaadataan noolaynta taariikhda dadkii usoo halgamay ilaalinta hiddaha,dhaqanka,afka iyo suugaanta idinkoo is kaashanaya kana fogaynaya qodobadan siyaasad iyo kooxayn,waxaanay taasi keeni kartaa in la helo mandaqad nabdoon,horumarsan isla markaana qayrkood la tartama.

 

Qalinka: Axmed Cisman Batuun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here