“Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya wuxuu ku yimid qaab-dhismeedka xaqiiqo cusub”

0
5147

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Madaxa machadka diblomaasiyadda Itoobiya ee loo soo gaabiyo EPDI u qaabilsan Sweden, Yaasiin Axmed, ayaa sheegay in heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya uu ahmiyad weyn u leeyahay ilaalinta nabada geeska Afrika iyo xasiloonida badda casba.

Diblomaasigan, ayaa sidaasi ku sheegay wareysi uu siiyay Wakaaladda  wararka Itoobiya ee ENA, waxanu  caddeeyay in heshiiskani uu salka ku hayo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta mandaqada Geeska Afrika.

Madaxa machadka diblomaasiyadda Itoobiya u qaabilsan Sweden, wuxuu tilmaamay in Itoobiya kaddin baddeed ku heli doonto marka uu taabogalo heshiiska isfahan (MoU) ee Somaliland iyo Itoobiya ee dhinacyada wada galay dhammaystiraan.

Wuxuuna madaxa machadka diblomaasiyadda Itoobiya u qaabilsan Sweden uu sheegay in Itoobiya ay kaalin weyn ka qaadan doonto ilaalinta ammaanka badda cas.

“Heshiiska Is-afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland waxa uu ku yimid qaab-dhismeedka xaqiiqo cusub. Cilmi baadhistu waxay tilmaamaysaa in haddii Itoobiya ay hesho marin badeed ay ku hesho is-afgaradka, ka dib marka la dejiyo heshiis dhexmara dhinacyada, markaas Itoobiya waxay yeelan doontaa doorka dabiiciga ah ee ilaalinta amniga badda cas.”

Yaasiin Axmed wuxuu intaas ku daray in heshiiska isfahan uu kor u qaadayo masaalixda dhaqaale iyo ganacsi ee geeska Afrika.

Diblomaasi Yaasiin Axmed waxa uu ku dooday in sharciga caalamiga ahi uu damaanad qaadayo in dalalka aan xeebta lahayni ay door ku yeeshaan badda.

Madaxa machadka diblomaasiyadda Itoobiya u qaabilsan Sweden, wuxuu xusay in iskaashiga ammaanka iyo arrimaha millaterigu horseedi doono iskaashi la xidhiidha dhinaca ganacsiga.

Wuxuu sheegay in doorka Itoobiya uu yahay mid si weyn loo aqoonsan yahay oo ay ixtiraam u hayaan Beesha Caalamka oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

“Itoobiya, oo ah waddan halbowle u ah iyo sidii waddan soo koraya iyo awood gobol oo koraysa, waxay ku raaxaysanaysaa ixtiraam caalami ah iyo mid goboleedba doorka ay ku leedahay ilaalinta nabadda iyo ammaanka gobolka iyo caalamka.”

Halkii laga yeeli lahaa siyaasado isdiidan, diblomaasigu wuxuu Masar ugu baaqay inay Itoobiya kala shaqeyso horumarinta amniga gobolka.

“Waxaa aad ugu habboonaan lahayd Masar inay Itoobiya kala shaqeyso ilaalinta ammaanka gobolka,” ayuu xusay.

Sidoo kale, Yaasiin ayaa walaac ka muujiyay hubka ay Masar siiso Soomaaliya, isagoo ku dooday inay sii xumeyn karto caqabadaha amni ee jira, ayna wiiqi karto dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

“Hub loo diro Soomaaliya, oo ay ka markhaati kacayaan caqabadaha amniga gudaha, waxay gacan ka geysan karaan in la wiiqo amniga gudaha Soomaaliya; sababtoo ah haddii hubkan ay helaan kooxaha argagixisada qaarkood waxay caqabad weyn ku noqon karaan gobolka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here