Hay’adda Shaqaalaha oo Qabatay Shir Lagu Gorfaynayay Dhammaystirka Siyaasadda Mushahar Bixinta

0
705

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland, ayaa maanta qabatay shir lagu gorfaynayay dhammaystirka hirgelinta siyaasadda mushahar bixinta iyo qaabeynta darajooyinka shaqaalaha dowladda.

Shirkan oo ka qabsoomay xarunta hay’adda shaqaalaha, ayaa waxa Shir-guddoominayay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax.

Waxaa shirkan goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha iyo agaasime waaxeedyada kala duwan ee hay’adda shaqaalaha.

Shirkan, ayaa intii uu socday, waxa si qoto dheer loogu falaanqeeyay dhamaystirka siyaasadda mushahar-bixinta.

Waxa sidoo kalena, mid mid la isu dul taagay qoddobada siyaasadda, iyadoo si gaar ahna looga dooday hannaanka darajooyinka iyo heerarka la xidhiidha mushaharaadka ee ay siyaasaddu soo bandhigtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here