Hay’adda dhawrista tayada oo dalbatay in waxka-beddel lagu sameeyo xeerka hay’adda

0
1143

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida joogta ee golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta xarunta golahaas kulan xogwareysi ah kula yeeshay Guddoomiyaha hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, isagoona warbixin ka siiyay howlaha kala duwan ee qaranka u hayaan.

Guddoomiyaha hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa waxa uu uga warbixiyey Guddida hawlaha hay’addu qaranka u hayso iyo sida ay uga hawl-galaan badqabka iyo ilaalinta bulshadda Somaliland.

Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada, ayaana cadeeyay in hay’addu ka shaqayso  ilaalinta bed-qabka agabka kala duwan ee dalka soo galaya.

Waxanu tilmaamay in agabkaas ku baadhaan shaybaadhka qaranka, kuna ogaadaan heer tayeedka agabkaas, isaga xusay in wixii agab ah ee heer tayeedkeedu hooseeyo hawshooda dastuuriga ah ka gutaan.

Dhinaca kalena, Mukhtaar Maxamed Cali, Guddoomiyaha hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland waxa uu u soo jeediyay Guddida joogtada ee Golaha Guurtida in wax ka beddel iyo kaabis loogu sameeyo xeerka hay’addaasi ku aas-aasan tahay, oo uu tilmaamay in aanu sheegayn ganaaxyadda lagu ganaaxayo ganacsatadda wadanka soo gelisa waxyaalaha aan tayadoodu wanaagsanayn.

Dhanka kalen,Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista tayada Somaliland waxa uu tilmaamay in ay u qorshaysan tahay in dalka ay ka hirgeliyaan Shaybaadhka lagu baadho calafka xooluhu cunayaan, si ay u hubiyaan badqabka calafka xooluhu quutaan.

Guddoomiyuhu waxa uu mudaneyaasha Guddida joogtada ee golaha Guurtida u soo bandhigay Daawooyin been abuur ah oo ay gacanta ku soo dhigeen.

Waxaanu Guddoomiyuhu sheegay in Ganacsadihii Daawooyinkaas ay ku soo qabteen sharciga la mariyay.

Gabo-gabadii, Guddoomiyaha Guddida joogtada ee golaha Guurtida Somaliland, ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta hay’adda Dhawrista Tayadda sidii ay u soo aqbaleen dalabkii mudaneyaasha guddida, waxaanu u balanqaaday in warbixintaas uu u gudbin doono Gole weynaha, si gole weynuhu go’aan uu uga qaato narka uu furmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here