Hargeysa,(HargeisaPress)– Waxaa xalay magaalada Hargeysa lagu qabtay kulan taageero ballaadhan loogu muujinayay musharraxad Xamda Cigaal oo dhawaan shaacisay musharraxnimadeeda Golaha Wakiillada Somaliland.
Kulan waxaa soo qaban qaabiyay qaar ka mid Hablaha aqoonyahannada dhalinyarada Hargeysa iyo Madaxda Haweenka Ururrada Bulshada Rayidka Somaliland iyo marti sharaf kale.
Musharraxad Xamda Cigaal oo mudo badan ka mid ahayd ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland ayay Haweenka aqoonyahannada dhallinyarada Somaliland ee Ururrada bulshada rayidka Somaliland u kala hadhin soo dhaweynteeda musharaxnimo.
Haweenka aqoonyahannada dhalinyarada Hargeysa iyo Madaxda haweenka Ururrada bulshada rayidka Somaliland, ayaa Musharraxad Xamda Cigaal ku hambalyeeyay isla-markaasina ku boggaadiyay go’aankeeda Siyaasadeed ee ay iskugu soo taagtay Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex, “Way ku guulaysanaysaa Insha Alaah hankeeda iyo hamigeeda Siyaasadeed ee ay isu soo taagtay inay u tartamayso Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee 2026.” ayay yodhaahdeen Haweenka Somaliland.
Hoos ka daawo muuqaalka sawirrada
HargeisaPress News Desk -Hargeysa