Hargeysa: Tartan Kubadda Cagta Ah Oo Loogu Baroor-Diiqayo Marxuum Cumar-Saalax Oo Furmay iyo Shirkadda MSG oo maal-galisay + SAWIRRO

0
1057

HARGEISA , (HargeisaPress) —Tartan kubadda cagta oo loogu baroor-diiqayo marxuum ciyaartoy Cumar Cabdi Xasan (Cumar-Saalax) oo dhawaan geeriyooday ayaa ka qabsoomay maalintii shalay magaaladda Hargeysa, waxaana furitaankii tartankan ka soo qeyb-galay Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha ciyaara iyo duulista, ciyaartoydii ay soo wada ciyaareen iyo sidoo kale bahda Sports-ka.

tart

Tartankan oo ay ka qeyb-galayaan 4-kooxood kuwaas oo ah ciyaartoydii ay garoomada ka wada safan jireen Marxuum ciyaartoy Cumar-Saalax oo ahaa kabtankii kooxdii NPP, ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Afhayeenka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Mr. Samatar Maxamed Cabdilaahi iyo tababaraha kooxda kubadda cagta heerka koowaad ee Goodir Mr. Jamaal Cabdi Axmed (Jante), halka sidoo kale dhanka maal-galinta ay gacan ka geysatay shirkadda MSG, waxaana kooxaha ka qeyb-galaya ay kala yihiin NPP, NDC, Sooyaal iyo MSG.

tartanka-lagu-xusay-marxuum-cumar-saalax

Tartankan oo ka qabsoomay garoonka doogga sanaaciga ah ee Badhtamaha Stadium ayaa waxaa ugu horeyn furitaankii ka hadlay qaar ka mid ah ciyaartoydii ay isku kooxda ahaayeen iyo sidoo kale kuwii ay garoomada kubadda cagta isku soo gaadheen, waxaana ka mid ahaa ciyaartoydii waa weynaa Cabdi Diito, Mustafe Cirid, Iid Jibriil, Yaasiin Aabo-Yare, Nicmaan, Axmed Xatto, iyo Axmed Aflax, waxaana ay guud ahaanba xuseen in Marxuum Cumar-Saalax uu ahaa shakhsi wanaagsan oo cibaado fiican, sidoo kalena sharaf iyo karaamo agtooda ka lahaa.

tartu

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista iyo Hawadda Md. Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid), waxaana uu uga mahad-naqay cida soo abaabushay tartanka isaga oo hoosta ka xariiqay in Marxuum Cumar-Saalax uu ahaa shakhsi marka laga yimaado ciyaartoynimadiisi uu ahaa qof af gaaban oo akhlaaq iyo cibaado wanaagsan uu ILAAHAYNA uga baryayo inuu Naxariistiisi janno ka waraabiyo, guud ahaana sammir iyo iimaan ka siiyo ehelkiisi iyo asxaabtiisi.

C17

Ugu dambeyntii, waxaa tartanka furay Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), waxaana uu ku dheeraaday aqoontii uu u lahaa Marxuum Cumar-Saalax iyo sidoo kale doorkii wanaagsanaa ee uu waayihiisi ciyaaraha ka gaadhay, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaynu maanta tartankan u qabanaynaa inaynu ugu baroor-diiqno ILAAHAYNA uga barino inuu walaalkeen Marxuum Cumar-Saalax uu Naxariistiisa ka waraabiyo, runtii waxaynu dhammaanteenba ka markhaati kacnay inuu ahaa shakhsi qaali innagu ahaa, qalbi furnaa, afgaabnaa, cibaadada ku fiicnaa, wanaag mooyee aan cidna dhibaato u gaysan jirin. Wuxuu ahaa ciyaartoy weyn oo khibrad iyo farsamo aad u sareysa lahaa, runtii aan odhan karo wuxuu ka mid ahaa ciyaartoyda dhifta ah ee dalkeena soo maray”.

tartaa

“Tartankan waxaa kooxaha hogaaminaya ciyaartoydii ay isku kooxda ahaayeen iyo kuwii kale ee ay wakhtiyada soo wada qaateen, waanu soo dhaweynaynaa taageeraynaana cid kasta oo karaamo iyo sharaf u muujinaysa ciyaartoydii qaaliga ahaa ee dalkeena soo martay. Intiina hawshan ka soo shaqeysay iyo kooxaha ka qeyb-galaya waan idiinka mahad-naqaya, waxaanan rajeynayaa inuu tartankani uu si fiican inoogu dhammaado Insha Allah” ayuu yidhi Agaasime Dhabeeye.

C15

Afarta kooxood ee tartankan ka qeyb-galaya ayaa min laba kooxood isku arkay, waxaana kooxda NPP ay 8-2 kaga guuleysatay kooxda MSG, halka sidoo kale kooxda NDC ay 5-4 iyaduna kaga guuleysatay kooxda Sooyaal.

saalax

Kulanka finalka ayaa dhici doona maalinta Jimcaha ee toddobaadka soo socda haddii ALLE idmo, waxaana is wajihi doona labada kooxood ee NPP iyo NDC.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here