Hargeysa: Shaqaalaha Dawlada Oo Maalinta Barito Lagu Wargaliyay In Ay Shaqada Fasax Ka Yihiin Munaasibada Al-isra wal-micraaj Awgeed.

0
159

Hargeysa,(HargeisaPress)– Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Ayaa ku Wargelinaysa Dhammaan Shaqaalaha Hay’adaha Dawladu in ay Maalinta Barito Ah fasax ka yihiin Shaqada Munaasibadda Al-isra wal-micraaj Awgeed.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyada oo ka duulaysa Xeerka Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 97/2022, Qodobkiisa 64aad, waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan masuuliyiinta Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawliga ah, in shaqaalaha dawladdu fasax ka yihiin shaqada maalinta Khamiista 08 February, 2024 oo ah xuska Al Isra’Wal Mi’raj, oo ah habeenkii la dheelmiyay Nebi Maxamed Naxariis iyo Nabad Gelyo Korkiisa Ha ahaatee, kuna beegan 27 Rajab 1445 ee Hijriga.

Haddaba, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, isaga oo ku hadlaya afka shaqaale-weynaha Qaranka Jsl, waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan shaqaalaha dawladda, xaasaskooda iyo carruurtoodba munaasibadda Al Isra’Wal Mi’raj awgeed u rejaynaya in aynu ku gaadhno sannadkan sannadkiisa, badhaadhe iyo nabad-gelyo waarta, Insha Allah.

F.G: Waxa shaqada dib loogu soo noqonayaa maalinta Sabtida ee ay bishu tahay 10/02/2024.

Alla Mahad Leh

Khalid Jama Qodax
Guddoomiyaha Haya’adda Shaqaalaha Dawladda JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here