Hargeysa iyo Magaalooyinka Kale Ee Somaliland oo Si Weyn Looga Ciiday

0
1205

Hargeisa (Hargeisa Press)- Magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland ayaa maanta si weyn looga ciiday.

Wadooyinka ayaa saxmad ahaa saaka magaalada Hargeysa, caruur iyo waalid gacanta haya ayaa soo buuxdhaafiyay kuwaasoo u socday booqashada iyo marxabeynta eheladooda.

Qaar kalena waxay u socdeen goobaha lagu ciyaaro ee loo tamashle tago oo sidii ciidooyinkii hore u furan.

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka shacabka magaalada Hargeysa la tukaday salaadii ciidul fidriga.

LEAVE A REPLY