Hargaysa (HP): Haayada u diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka somaliland ayaa maanta daah-furtay kulan ku saabsan habka digniin bixinta Abaarta iyo Duufaanada.
Shirkaasi oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa lagaga hadlayaa habka digniin bixinta Abaarta iyo Duufaanada, kaasoo ay soo qaban qaabisay haayadda u diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka.
Guddoomiyaha haayada u diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka ayaa daahfurtay Faysal Cali Sheekh, oo hadal ka jeediyay furitaankii kulankan ayaa sheegay in lagu falaqayn doono mudada uu socdo digniinta bixinta marka ay soo muuqdaan Abaar iyo duufaano.
Waxaanu yidhi “Waxa aan jecelahay in aad ka faa,iidaysataan Kulankan oo lagaga hadli doono isbadalka sida uu noqonayo iyo waxa laga saman karo, waxa inagu soo fool leh ee digmiimaha sida sansaantii Abaarta ama duufaan ay imanayso.
Waxaana jira waxyaabo lagu cabiro in waxyaabahaasi soo muuqdaan,waxaana taasi dhalinaysaa diyaargaraw,waxaana aanu soo saarnay waxyaabihii lagu shaqayn lahaa marka ay dhacaan waxyaabahaasi”.
Sidoo kale waxaa furitaanka kulankaasi hadal ka jeediyay agaasimaha Waaxda Aafooyinka ee haayada u diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Axmed Diini.
Waxaanu ka warbixiyay waxyaabaha kulankaasi lagaga hadli doono.
“Waxa lagaga hadli doonaa shirkan sidii kor loogu qaadi lahaa u diyaargarawga xog helista ee digniin bixinta ee Aafooyinka” ayuu yidhi Axmed Diini.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.