Hargaysa: Qareenno Laga Hakiyay Ruqsadda Shaqo Oo Dib Loo Fasaxay

0
685

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Qareeno ka tirsan ururka qareenadda madaxa banaan ee Somaliland oo ay dhawaan xayiraad dhinaca shaqadda ah saartay maxkamadda racfaanka ee gobolka Maroodijeex ayaa dib loogu ogolaaday hawlahoodda shaqo.

Kadib markii sida ay sheegeen xal laga gaadhay arrintii sababtay in todobaadkan ay maxkamadda racfaanka gobolka Maroodijeex kala noqoto ruqsadda qareenimo.

Ruqsad kala noqoshadaasi oo ka dhalatay khilaaf soo kala dhex galay ururka qareenadda madaxa banaan ee Somaliland iyo bahda garsoorka qaranka.

Sida ay sheegeen guddoomiyaha ururka qareenadda Somaliland Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo) iyo garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan oo ka tirsan ururka qareenadda Somaliland oo maanta shir jaraa’id saxaafadeed ku qabtay magaaladda Hargaysa.

Waxaanay cadeeyeen in kadib kulan ay wada qaateen hogaanka sare  ee ururka qareenadda Somaliland iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ay isla af-garteen in wixii khilaaf ah ee jira si hoos loo dhameeyo.

Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo), guddoomiyaha ururka qareenadda Somaliland ayaa tilmaamay in khilaafkii jiray xal laga gaadhay kadib wadahadal ay la yeesheen maamulka maxkamadda sare,  guddoomiyaha sare iyo garsooreyaasha maxkamadda hoose.

Guddoomiye Timo, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Arrinta la xidhiidhay qareenadii laga hakiyay ruqsadda. Arrintaasi maamulka maxkamadda sare iyo guddoomiyaha sare iyo garsooreyaasha maxkamadda hoose, waanu kulanay.

Wadahadal ayaanan ku dhamaystirnay, si fiican ayaanan isku af-garanay. Wixii caqabo ah ee jira-na in aanu si hoose u xalino, oo aanu plat form samaysano lagaga wadahadlo ayaanu isla qaadanay”.

Geesta kale Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo), waxa uu sheegay in hadalkii ay qareenadu maalintii dhawayd ku durayeen garsoorka dalka in ay raali gelin buuxda ka bixiyeen.

Waxaanu yidhi  “Arrintii qareenadu warbaahinta kaga hadleen, ee ay yidhaahdeen garsoorka ayay cadaalad darro ka dhex jirtaa iyo arrimihii garsoorku dhibsaday, waxaanu ka bixinay raali gelin guud. Arrintaasina sidaas ayaan ku soo gebagabaynay”.

Dhinaca kale waxaa isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan, waxaanu sheegay in ay garsoorka isla af-garteen in aan warbaahinta la isku marin khilaafaadka jira.

Garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan, waxa kaloo uu xusay in garsoorka laftiisu uu ka garaabay dacwado ay hayeen oo ay warbaahinta mariyeen.

Waxaanu yidhi “Waxaanu isku soo af-garanay garsoorka waxa weeye, in arrimaha jira aan lagu xalin karin warbaahinta.

Balse looga wada shaqeeyo sidii taas meesha looga saari lahaa. Arrinta kiiska hadda taagan iyo wixii kale ee jira waxaa loo xil saaray guddi farsamo.

Garsoorka laftiisu way ka garaabeen in ay warbaahinta mariyeen dacwado ay hayeen. Waxaanan isla qaadanay labadda dhinacba in arrimahaas la joojiyo”.

Waxa kaloo uu tilmaamay garyaqaanku in warbaahinta lafteedu ay qayb ka tahay marka kiisas socda ay si qaldan u baahiyeen natiijadda cadaaladeed ee ka soo bixi karta.

“Warbaahinta lafteedda, waxaa jirta marka kiisaska socda iyo sida warbaahinta u qorayso, saamayn ayay ku leedahay cadaaladda iman doonta.

Iyada lafteedana sidii loo ilaalin lahaa guud ahaan, ee garsoorkeenu aanu u noqon canaan ka yaab, oo haddii hareeraha lagaga qayliyo, iyadoo aanu go’aankiiba soo bixin, saamayn ayay yeelanaysaa”ayuu yidhi garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here