Somaliland oo Guinea Conakry Ku Boorisay Inay Sii Ballaadhiyaan Iskaashiga Labada Dal

0
20270

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku bogaadisay dalka Guinea Conakry oo u dabaal-degay sannad guuradii 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada ka qaateen Faransiiska.

Siday warisay Wakaaladda Wararka Somaliland, Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  oo ku hadlayey magaca JSL ayaa ku hambalyeeyey dawladda dalka Guinea Conakry xuska 61 guurada maalinta qaranimadooda oo ay ku beegnayd Khamiistii maanta.

Madaxweyne Ku-xigeenka oo ku gudo jira socdaal shaqo oo uu ku joogo Imaaraadka carabta ayaa sheegay inuu rajaynayo in hore loo sii wadi doono isla markaana la sii  ballaadhin doono iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Guinea Conakry.

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa cilaaqaad saaxiibtinimo la yeelatay dawladda Guinea Conakry,markii madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu  dhawaan ku tagay socdaal midho-dhalay oo dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya ay ka xumaatay.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here