Hargaysa: Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Madaxweynaha DDS Itoobiya

0
382

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay wefti uu hogaaminayay madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, oo booqasho shaqo ku yimid Hargaysa.


Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay madaxweynaha dawlad-deegaanka oo muddo saacado ah qaatay, ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga warbixiyay wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali-koore iyo wasiirka Hawlaha guud ee dawlad-deegaanka Soomaalida Cabdiraxmaan Iid Daahir.
Waxaanay si qoto dheer u sharraxeen nuxurka kulanka iyo waxyaabihii sida gaarka ah diiradda loo saaray oo ay ugu horreeyaan iskaashiga dhinacyada Amniga iyo ganacsigu.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali-koore, oo ka hadlay kulanka labada madaxweyne ayaa soo dhaweeyey weftiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalidu.
Waxaanu sheegay in wada-hadallada liishaanka lagu saaray dhinacyada amniga iyo ganacsiga, maadaama Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida ay ka dhaxayso dano badan oo derisnimo iyo walaalnimo salka ku hayo.

Geesta kale wasiirka Hawlaha guud ee Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdiraxmaan Iid Daahir oo isaguna dhinaciisa halkaas ka hadlay, ayaa gaar ahaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Xukuumaddiisa iyo shacbigaba uga mahadceliyey sida milgaha iyo walaaltinimada leh ee ay dalkooda ugu soo dhaweeyeen weftiga uu hoggaaminayo madaxweyne Mustafe Cagjar.
Waxaanu carrabka ku adkeeyey qodobbada ay dhinacyadu xoogga saareen muddadii kulanku socday.


Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalidu ku maamuusay Hadhimo-sharafeed ballaadhan.
Waxaana kulankaasi goob-joog ka ahaa xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE.


DAAWO: Wasiirka Warfaafinta Somaliland iyo Wasiirka Hawlaha Guud Ee DDS Itoobiya Oo Kulankaasi Ka Warbixinaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here