Hargaysa: Kulanka Siyaasadda Qaabaynta Derajooyinka Shaqaalaha Dawladda JSL

0
277

Hargaysa (HP): Haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa maanta qabatay kulanka lagu soo bandhigayay siyaasadda mushahar bixinta shaqaalaha.
Sidoo kale kulankaasi ayaa lagu ansixinayay qabyo-qoraalka Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Derajooyinka Shaqaalaha dawladda.


Kulankaasi ayaana ka qabsoomay hoolka shirarka ee haayadda Shaqaalaha Dawladda ee magaaladda Hargaysa.
Shirkan oo ay shir-guddoominaysay guddoomiye ku-xigeenka haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland, waxa kaloo ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Qorahaynta qaranka, wasiirka wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaagga iyo sidoo kale qaar ka mid ah agaasimayaasha Guud ee wasaarradaha iyo haayadaha dawladda Somaliland, iyo madax iyo masuuliyiin kale.

Intii uu shirku socday, waxaa halkaa laga soo jeediyay warbixinno ku saabsan qabyo-qoraalka Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Derajooyinka Shaqaalaha dawladda.

Qaybaha kala duwan ee siyaasaddu tilmaamayso, soo jeedinta qaabaynta darajooyinka shaqaalaha iyo heerka mushaharooyinka ee darajo kasta yeelanayso iyo qodobbada kale ee siyaasadda.


Waxa sidoo kale laga warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay samaynta siyaasaddu, iyo qiimaynta la sameeyay ka hor intii aan siyaasadda la samaynin.

Wasiirradii iyo madaxda kale ee halkaas ka hadashay ayaa soo dhaweeyay qabyo-qoraalka siyaasadda, iyaga oo sheegay in ay tahay wax loo baahnaa, isla markaana wax weyn ka taraysa dib u habaynta shaqaalaha dawladda iyo guud ahaan qaranka ba.

Waxaanay ku baaqeen in marka golayaasha qaranku waajibkooda ka gutaan in ay muhiim tahay in si dhakhso ah loo dhaqan geliyo.


Geesta kale siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Darajooyinka Shaqaalaha Dawladda, ayaa la filayaa in dhawaan la hor geyn doonaa golaha Wasiirrada JSL si ay waajibkooda uga gutaan.

Iyadoo qorshuhu yahay in markaa kadibna loo gudbin doono goleyaaaha sharci dejinta ee baarlamaanka, oo kala ah golaha Wakiiladda, iyo golaha Guurtidda.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here