Hargaysa: Dugsi Lagu Baranayo Farsamadda Gacanta Oo Xadhiga Laga Jaray

0
244

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa xadhiga ka jaray dugsiga farsmada gacanta ee Haldoor, kaas oo laga hirgeliyay xaafada Digaale ee Koonfur-bari magaalada Hargeysa.

Munaasibadii lagu daahfurayay dugsigani waxa ka qayb galay maayirka caasimada, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, xildhibaano iyo dadweynaha xaafada Digaale iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa sheegay in hirgelinta dugsigan ay iska kaashadeen dowladda dhexe, dowladda hoose iyo ururka Haldoor, waxaanu xusay in ardayda wax ka baranaysa iskuulkan gaadhiga soo qaadaya ay kharashkiisa bixinayso wasaaradda waxbarashadu.

Masuuliyiinta ururka Haldoor, ayaa sheegay in dugsigan Farsamada gacanta ee maanta la daahfuray dhismayaasha lagu kordhiyay ay ka kooban yihiin, 4 xafiis, hoolka shirarka, hoolka dawaarka, 4 fasal oo loogu tallo galay in wax lagu barto iyo 2 qol oo gaara, maamulku waxa ay intaas ku dareen in dugsiga ay wax ka bartaan 50 arday.

Waxaanay xuseen in 35 arday oo ah bulshada xaafada Digaale iyaga lacag la’aan wax lagu baro.Masuuliyiintii kala duwana iyo martii sharaftii ka soo qayb gashay daahfurka dugsigani ayaa uga mahadqanay cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgelintiisa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here