Hargaysa: Caqabadaha Hor Taagan Isku Gudubka Ganacsiga Somaliland iyo Itoobiya

0
384

Hargaysa (HP): Waxaa magaaladda Hargaysa lagu soo bandhigay daraasad ku saabsan sidii loo ogaan lahaa caqabadaha hor taagan isku gudubka ganacsiga ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
Waxaana daraasadaasi si wada jir ah soo badhigay haayadda dhawrista tayadda badeecadaha ee Somaliland oo kaashanaysa haayadda caalamiga ah ee DIA.
Waxaana madashaasi lagu soo bandhigay daraasad ku saabsan sidii loo ogaan lahaa caqabadaha ku gudban isku socodka ganacsiga Somaliland iyo Itoobiya, waxa ay yihiin caqabadahaasi, sababta keentay, iyo sidii looga gudbi lahaa.
Kulankii lagu soo bandhigayay daraasadaasi oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland, safiirka ururka midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, iyo guddoomiyaha haayadda dhawrista tayadda badeecaha ee Somaliland.
Mashruuca ugu weyn ee qaybta ugu balaadhan ka qaadan karra isku socodka ganacsi ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa ah dhismaha jidka Berbera corridor oo uu hadda dhismihiisu socdo, kaasoo loo arko in marka uu dhamaado ay wax badani iska bedeli doonaan caqabahaasi.
Waxyaabaha caqabadaha ah ee ku gudban isku socodka xagga ganacsiga ee ka dhexeeya labadda dal ee Itoobiya iyo Somaliland waxaa ka mid ah dhinaca gaadiidka, sida uu sheegay wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, oo madashaasi hadal ka jeediyay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here