Ceel-Afweyn: Maxkamad Xukun Ku Riday Askar Kufsaday Gabadh Aan Qaan-gaadhin

0
601

Ceel-Afweyn (HP): Maxkamad ku taalla degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa maanta min todoba sanadood ah oo xabsi ah ku xukuntay afar askari oo lagu eedeeyay in ay Gabadh kufsi wadareed hore ugu gaysteen.
Afartaasi askari oo ka tirsan ciidanka Birmadka ayaa lagu helay danbi ah in ay kufsi wadareed u gaysteen Gabadh aad u yar oo aan qaan gaadhin, iyadoo kiiskaasi kufsiga ah uu ka dhacay degaanka degmadda Ceel-Afweyn.
Maxamed Axmed Caateey, oo ah aabaha dhalay gabadha la kufsaday, oo goob joog ka ahaa markii maxkamadu xukunka ku ridaysay ragaasi ayaa ka hadlay sida uu u arko xukunkaasi ayaa sheegay in aanu ku qanacsanayn xukunkaasi.
Waxaanu tilmaamay inuu racfaan ka qaadanayo, maadaama oo kiisku uu ahaa kufsi wadareed, isla markaana ay ragga gaystay istaahileen in dil toogasho ah lagu xukumo.

Waxaanu yidhi “Maya, xukunkaasi kuma qanacsani. Waa kiis dil toogasho, waayo? Waa kufsi wadareed. Xukunkani, wax lagu qanci karo, iyo wax la qaadan karro midnaba maaha.
Racfaanka, waxaa la yidhi 30 maalmood ayaad ku qaadan kartaan. Weli ma qaadan. Laakiin, Sodonkaa cisho gudahoodda ayaan rejaynayaa in aan ku qaato”.
Maxamed Axmed Caateey, waxa kaloo uu ka warbixiyay dhibaatadda kufsi ee gabadhiisa loo gaystay iyo waxyeelladda soo gaadhay, iyo sidii kale xal ka aan maxkamad ahayn oo ay ula yimaadeen oday dhaqameedyo ay isku hayb yihiin ragga kufsiga gaystay.
“Dhaawac aad u culus baa gaadhay gabadha. Ilaa afar bilood baanu dhakhtarka ku haynay. In badan baa la damcay in aanu dhaqaaqin kiiskani. Rag badan oo saraakiil ah ayaa aad uga hawl galay in aanu dhaqaaqin.
Waan-waan aan sax ahayn baa la iila yimid, oo ragga waalidiintoodu iila yimaadeen, oo waxay yidhaahdeen waxaan doonaynaa in aad gabadhii na siiso, oo aanu guursano. Waxaanan ku idhi, wax dhacaya maaha waxaasi, waana jariimad labaad ayaan ku idhi.
Waxaanan ku idhi wixii sharcigu ina kala siiyo ayaynu ku calaf qaadaynaa”ayuu yidhi Maxamed Axmed Caateey, oo kadib markii xukunkaasi la riday BBC la hadlay.
Geesta kale Maxamed Axmed Caateey, waxa uu sheegay in aanu jirin wax magdhaw ah ama kaalmo ah oo laga siiyay kharashkii kaga baxay mudadii uu gabadha kufsiga loo gaystay dhakhtarka kula jiray.
Taasoo uga timid dhinaca qoysaska ragga kufsiga gaystay ay ka soo jeedaan ama ciidanka booliska ee ay ka tirsanayaaneen ba, waxaanu yidhi, “Maya, ma jiraan. Kii iga baxay ayaanay weli meel saarin, oo aanay cidiba iga garaabin”.
Dhinaca kale aabaha dhalay gabadhaasi ayaa ugu baaqay garsoorka guud ee Somaliland in gacan lagu siiyo sidii uu racfaan uga qaadan lahaa xukunkaasi, maadaama oo aanu cadaalad u arag xukunkaasi lagu riday raggaasi.
“Garsoorka Somaliland waxaan ka codsanayaa, cadaalad baan u baahanahay, ilamahaasi yar ee dhibka loo gaystay, waana in racfaan la iiga qaado xukunkaasi” ayuu yidhi Maxamed Axmed Caateey.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here