Hargaysa: C/raxmaan Saylici Oo Furay Shirweynaha Qaran Ee Caymiska

0
458

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furay shir-weynaha qaran ee Caysmiska ganacsiga.

Shirweynahan oo ay soo qaban-qaabisay haayadda Caymiska ee Somaliland ayaa lagaga doodayaa sidii bulshadda loo fahamsiin lahaa looguna dhiiri gelin lahaa adeega caymiska.

Furitaanka shirkaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirka maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Baqdaadi, wasiirka hawlaha guud C/laahi Abokor.

Ganacsato, shirkadaha ka shaqeeya arrimaha caymiska, culimawdiin uu ka mid ahaa sheikh C/laahi sheikh Cali Jawhar, agaasimeyaal guud, xildhibaano, iyo masuuliyiin kale.

Shirkan ayaa noqonaya kii koowaad ee noociisa ah oo Somaliland ka qabsooma, kaasoo la filayo inuu wax badan ku soo kordhin doono nidaamka Caymiska ganacsiga ee Somaliland.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here