“Hadafka Kuriyada-Waqooyi Waa Inay Yeelato Awoodda Ugu Badan Ee Hubka Nukliyeerka”

0
498

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa sheegay in hadafkiisa u danbeeya uu yahay in uu yeesho awoodda ugu badan ee hubka nukliyeerka, isaga oo dallacsiiyay toboneeyo sarkaal oo milateri ah, kuwaasi oo ku lug leh tijaabooyinkii dhowaan ee gantaallaha qaaradaha isaga gudba.

Ku dhawaaqistani, ayaa yimid kadib markii uu Kim oo kormeeray tijaabada gantaalka cusub ee Hwasong-17 oo ah kuwa qaaradaha isaga gudba ee ICBM, waxaana uu ballanqaaday in uu iska cabbin doono hanjabaadda Nukliyeerka ee ka imanaysa Mareykanka oo uu kaga jawaabi doono Hub Nukliyeer ah.

“Dhisidda awoodda nukliyeerka ayaa ah mid ilaalineysa sharafta iyo madax banaanida dowladda iyo dadka, waana hadafkeena ugu dambeeya oo ah in aan helno xoogga istiraatijiyadeed ee ugu awoodda badan adduunka, waana xoogga aan hore loo arag qarnigan,” ayuu Kim ku yidhi amarka dalacsiinta saraakiisha.

Waxa uu ugu yeedhay gantaalka Hwasong-17 “hubka istaraatiijiyadeed ee ugu xooggan aduunka” waxa uuna sheegay in ay muujineyso ka go’naanta iyo awoodda Kuuriyada Waqooyi ee ay ugu danbeyn ku dhiseyso ciidanka ugu xooga badan caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here