Habacsanaanta Soo Dhowayntii Madaxwayne Ee Burco Madaxwayne Naga Bedel Maamulka Gobolka Iyo Kan Degmadaba

0
899

Waxa wax lala yaabo ah runtii ka war qab la’aanta imaanshaha madaxwaynaha Somaliland ee gobolka togdheer taas oo ay ka masuul yihiin masuuliyiinta gobolka min heer gobol ilaa heer degmo, madaxdan oo dhamantood marka masuul yimaado uun daba carara inta kalena aan la arkin, ayaa madaxwaynaha Somaliland ku soo dhoweeyey maamuuskii ugu hooseeyay, waayo waxaan jirin ka war qab arimaha imaanshaha madaxwaynaha.

Habacsanaantaas gobolka ragaadisay ayaa waxay salka ku haysaa shaqayn la’aanta laamaha dawlada ee gobolka kuwaas oo intooda badani xidhan yihiin meelo kooban moooyane, sidaas darteed Madaxwayne Naga bedel Maamulka Gobolka Togdheer, waayo maanta Burco heer aaan la saadaalin Karin ayay maraysaa dhanka horumarka, waayo bulshadan gobolka togdheer waxay u baahan tahay maamul ku dayasho leh oo dadka u horseeda badhaadhe iyo barwaaqo. Lkn bulshadani way ka dheregtay maamulada fadhiidka ah ee hadba loo soo magacaabayo, Mudane Madaxwayne hadaad Burco hoos u eegto waxaad arki doontaa waxyaabo badan oo ishaadu diido.

Mudane Madaxwayne isku day inaad shir laqaadato odayaasha gobolka oo ay kaaga waramaan maanta halka ay Burco marayso adigoon meesha ka saarayn inaad shir gaarana la qaadato dhalinyarta gobolka, waayo ma jirto taariikhda mar kaliya oo aad madaxwayne la kulantay dhalinyaro khaasa ee badanaa waxaad la kulantaa oo kaliya Odayaasha iyo dadka intiisa waawayn uun, laakiin madaxwayne isku day hoosna u eeg xaaladaha dhalinyarada ee gobolada aad booqanayso taas oo ah talaabo aad u fiican hadii aad ku dhiirato la kulank dhalinyarada. Waliba waxaad aad u soo dhowaynayaa intaad ku sugan tahay goboladan bariga xooga saar sidii aad ula kulmi lahayad dhalinyarta deeganadaas sida aad ula kulmayso oo kale odayaasha deegaanada.

Mudane madaxwayne hoos u eeg maanta waxay Burco u baahan tahay, waxa la yidhaahdaa Burco sheikh Bashiir baa habaaray oo yidhi “Maamulku kaa Xumaa” waxaabad moodaa in sidaaas la sheegaa ay jirtaba, waayo maanta degmada Burco ma jirto cid si hagar la’aan ah dadkan ugu shaqaysa, sidaas darteed Mudane Madaxwayne hoos u eeg hoganka gobolka iyo degmadaba.

Hadaad magalada dhex socoto madaxwayne waxaad la kulmi qashinkii oo meel walba buux dhaafiyay, bilicdii magaalada oo aan looba dhaqaaqin sidi wax looga qaban lahaa, laamiyadii cusbaa ee la dhisay oo xalka ama biyaha wasakhda ah ee maqaaxiyuhu qubaan lagu shubay oo ay heerar iyo urba ku sameeyeen wadooyinkii kuwaas oo aan cidina waxba ka qaban.

Mudane Madaxwayne la xisaabtan oo hoos u eeg Dawlada hoose ee Burco, oo runtii ka gaabisay shaqadeedii una baydhay arimo aan shaqadeeda ahayn waa halkii sooraane “dawlada hoose waxay ku mashquul san tahay la dagaalanka Budhacad Badeeda” sidaas darteed madaxwayne bulshadii soo dooratay lama xisaabtami karto e adiga yaa madixii u sareeeyay dalka ah e la same la xisaabtan mug leh oo qofkii wax xumaynaya halaga qabto bulshada.

Mudane Madaxwayne maanta Burco waxay u baahan tahay hogaamiyihii isu soo jiidi lahaa ee laakiin uma baahna hogaamiye aan soo dhaafin naftiisa iyo inta ku hareeraysan, madaxwayne Burco adiga ayay sugaysaa, laga yaabaa in masuuliyiinta gobolka joogtaa ka gudbiyaan warbixin wanaagsan oo ah meel wanaagsan ayay maraysa lkn hadalkaasi waa mid yaga ku kooban maah maah ayaa tidhaahda “Habar alla bariday xeradeeda ayay ka aragtay”.

 

 

Allaa Mahad Leh

By: Mohamed Hamud Ali

Burao Somaliland

Hamudson@Gmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here