Hargeisa (Hargeisa Press)- Allaha u naxariistee Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo Carwo) oo ahayd haweeneydii ugu horraysay ee Soomaali ah ee ka soo jeeday Somaliland ee heesta, oo na heesteedii ugu horesay ee 1952 laga baahiyay Raadiyo Hargeysa, ayaa ka warantay xornimadii ay Somaliland ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska iyo halgankii xoriyada loo soo galay.
Shamis waxay qeyb ka aheyd dadkii diyaarinayay xafladdii debaaldegga xoriyadda ee lagu qabtay Hargeysa.
Intii ay noolayd ayay ka warrantay halgankii xorriyadda loo galay iyo maalintii calansaarka ee ku caanbaxday ‘kanna siib kanna saar’.
Guduudo Carwo ayaa wixii dhacay habeenkii calansaarka ee beerta xorriyadda ee Hargeysa waxa ay ku tilmaantay: “Ninkii joogay umbaa joogayee, farxad, oohin baa imikadan i haysa, yacni wax kale ayey aheyd,” ayey tidhi.
Annaga waxaan moodaynay in Soomaali oo dhan dambigoodii la dhaafay, ummaddu jaceylka ay isku qabtay – Laa Ilaaha Ilalaah Muxamadduu rasuulullaah – wax la soo koobi karo ma ahayn.”
Markii la soo gaadhay maalintii iyo habeenkii la isku badelayay labada calanna, dadkii joogay oo ay ka midka aheyd Guduudo Carwo waxa ay ku tilmaantay inay aheyd markii ugu horreysay ee “calan Soomaaliyeed oo xor ah uu dhul Soomaaliyeed oo xor ah ka dul babado.”
“Ilaahay baa mahadi u sugnaatay oo ah kii Ingiriiskii naga xorreeyay, farxad wayn bay noo aheyd, ummadda Soomaaliyeed meelay joogtaba farxad wayn bay u aheyd,” ayey tidhi Guduudo Carwo oo aad ugu faraxsaneyd inay ka sheekeyso wixii xilligaas la soo maray.
Hargeysa ayaana noqotay meeshii hoggaamisay xorriyaddii dhalatay, oo Soomaalida oo dhan way ku faraxsanayeen xorriyadda habeenkaas 26-ka June, ay goboladii waqooyi gaadheen, sida ay sheegtay Guduudo Carwo: “Is jaceylka ay ummaddu isu qabtay iyo hilowga ay ummaddu isku qabtay, wax wayn bay aheyd, oo wax sheeko lagu soo koobi karo ma ahayn.”