Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa magaacabay afhayeenka guud ee xisbiga kulmiye.
Waxaana warsaxaafadeed ay soo saareen uu u dhignaa sida tan
Ujeeddo: Magacaabis Xil
Ku: Mudane Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi)
Ø Markaan arkay xilka Af-hayeenka xisbiga iyo muhiimaddiisa
Ø Markaan ku qancay xilkasnimadiisa shaqo
Waxaan xilka Af-hayeenka xisbiga KULMIYE u magacaabay Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay March 8 – 2016. Waxaannan u rajaynayaa in Alle ku garab galo xilkan.
Magacaabista xilka Af-hayeenka xisbiga KULMIYE waxay dhaqangalaysaa taariikhda magacaabistiisa ee kor ku xusan. Xil-gudasho wacan.
Alla Mahad Leh
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE
Muuse Biixi Cabdi