Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Dacwad Uu U Gudbiyay Gudida Komishanka Doorashooyinka Qaranka

0
913

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraab e ayaa ka hadlay dacwad uu u gudbiyay gudida doorashooyinka qaranka somaliland isla markaana uu masuuliyiinta xisbiyada Kulmiye iyo Wadani ku eedeyey inay wadaan olole siyaasadeed.

 

Waxana uu gudoomiyuhu hadalkan ka sheegay kulan ay gudidu iskugu yeedheen masuuliyiinta saddexda xisbi qaran oo ay kaga hadlayay arimaha diiwaangalinta, sidoo kalena ay kaga hadlayen dacwada uu usoo gudbiyay gudoomiye Faysal waxaana uu yidhi.

 

“Kulankani waxa uu daraanaa waxa weeye waad ogtihiin diwaangalintu horey inoo soo martay sanadkii 2009,ha qaldanto aaladii lagu shaqaynayay laakiin nidaamkii kale si fiican ayuu u socday, wax dacwada oo ka yimi sadexdii xisbina may jirin, doorkan waxa dhacday inaan anagu dacwad keenay ka UCID ahaan, waxaanan ka cabanaynay labada xisbi ee kale kormeerkii waxay ka dhigeen olole, sidii loo tartanka loo gali jiray si ka qaldan ayay u galeen, Burco waad ogaydeen sidoo kale Awdal na waad ogaydeen waxaa lo rogay kormeerkiiba kaanbayn doorasho”Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Faysal.

 

Gudoomiye Faysal isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray

 

“kaambaynku wakhti la gallo ayuu leeyahay oo ah markay musharaxiintu soo baxaan, hadalkoo dhana la dhameeyo ayaay muddo qabtaan komishanku taasanan maanta u nimi oo dacwada ugu soo gudbinay gudida, oo waxaan ka hor tagaynay inay waxii Awdal ka dhacay ay Saaxil oo rabshado ka taagan yihiin wali ay ka dhacaan”Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Faysal

 

Dhanka kale wali isagoo hadalkiisa sii wata gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sheegay waxyaabihii ay ka wada hadleen gudida waxaana uu yidhi

 

“Gudida waan is aragnay iyo kooxdii la sameeyey xeerkii :Code OF Condec”ayaa hada la adkaynayaa waanan isu af garanay in arinka laga daayo kaambaynka, anaguna hadii laga taggi waayo waxa nagu soo hagaagayaa waxa weeye inaan kormeer kusoo samayno goobaha diiwangalintu ka socoto oo soo indho indhayno siday wax u socdaan, cidii qaldana waxaan jecelnahay inay qaladkooda jojiso oo sharcigu qabto oo shaqeeyo sharcigu sidaasanan ku dhamaysanay”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

 

Si kasteba ha ahaatee hadalkan kasoo yeedhay gudoomiye Faysal ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili uu gudoomiyuhu warqad dacwad ah u gudbiyay gudida doorashooyinka qaran, iyaga oo gudiduna maanta kulan iskugu yeedhay masuuliyiinta xisbiyada qaran ee dalka .

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here