Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudoomiyaha gudida diwaanglinta ururada siyaasiga ah Muddane Cabdirisaaq Jaamac Cumar “Ciyaale” ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadley dacwad ay garabka musharax Jamaal Cali Xussen ee xisbiga UCID u gudbiyeen gudidaasi taas oo ka dhan ah gudoomiyaha xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe.
Gudimooyiha gudida diwaangalintu ururada siyaasadu waxaa uu sheegay in ay dacwadaasi xafiiskooda soo gaadhay isla markaaa ay sugayeen inta la ansixinaayo sida ugu wacana ay u dhameyn doonan waxaana uu yidhi
“Dacwadaasi waa ay noo taala waxaanu sugeynay inta lana ansixinaayo si aanay hadhaw toole aanay uga imanin daba filiq waxaana ay arntaasi ka mid tahay xilka la noo igmadey insha alleh waxaanu u dhameyn doona sida ugu wanaaga badan ee qaranka looga ilaalin lahaa in aan xisbi kale bur burin” ayuu yidhi gudoomiyaha gudida diwaangalinta ururada siyaasiga ah Cabdirisaaq Ciyaale
Si kasteba ha ahaatee khilaafka xisbiga UCID ee u dhaxeeya gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa wali la sugayaa talaada ay ka qaadan gudida ay dhawaan garabka uu hogaaminayo Jamaal Cali Xuseen u gudbiyeen gudida diwaangalinta ururada siyasada iyada oona la filayo inay dacwadani ay socoto ilaa maxkamada.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa