Gudoomiyaha Bangiga Somaliland Oo Ka Hadlay Kor U Kaca Doolarka iyo Ahmiyadda uu Leeyahay Xeerka Baananku

0
995

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa Kor u kac ku yimid Sarrifka doolarka ku tilmaamay mid sahlan oo ay keentay Mushaharaadka oo wakhtigan la qaatay. Waxa uu sidoo kale ka hadlay ahmiyada Xeerka Baananka Ganacsiga ee Golaha wakiilada horyaala.

“Sarrifku xogaa wuu yara kacay laakiin, anagu waxaanu u aragnaa Kacniinkaas mid iska caadi ah, Suuqa waxaa galay Mushaharaadkii oo waxaynu maraynaa 9-kii bisha.Kolkaas Shillin Somaliland badan baa suuqa gashay, taasina waxay sara kac yar ku keenaysaa Doolarkii” ayuu yidhi Gudoomiyaha Banigigu.

Gudoomiyaha Baniga dhexe ee Somaliland waxa uu sheegay in la filayo inuu Doolarku halkiisii ku soo noqdo ilaa Sabtida soo socota wixii ka dambeeya “Waxaanu rajaynaynaa in ilaa Sabtida uu Doolarku hoos u soo dego, waxaanan u arkaa arintan mid kumeel gaadh ah oo waxaad dhawaan arki doontaan Doolarka oo hoos u soo dhacay” ayuu yidhi Gudoomiye Cabdi Dirir.

Qiimaha Dolarka ayaa boqolkii Dollar gacanta hore lagu Iibinayey toddoba boqol iyo sideed iyo toban kun, halka gacanta danbe uu kor u dhaafay toddoba boqol iyo dhawr iyo labaatan kun oo shilling Somaliland.

Dhanka kale Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland, waxa uu sheegay in Xeerka baananka ganacsigu muhiim u yihiin bulshada Somaliland, islamarkaana ay sahlayso in reer galbeedku Bangiyo ka furtaan dalka.waxa uu Golaha wakiilada u soo jeediyay inay Ansixiyaan Xeerka Baananka ganacsiga oo horyaala golaha.

“Hortu Xeerer waa la Baas Gareeyey,Xeerkuna waxa uu sheegayaa Sidii Baananka Ree Galbeedku Ug Furan Lahayeen Wadanka somaliland,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo kasoo Hor Jeedaa Xeerka Way Jiraan,Lakiin waxaan leeyahay Xeerkan waxa uu Anfacayaa Sidii Reer Galbeedku Baanan Uga furan lahayeen Somaliland waana Arin Muhiim ah.

Waxa uu Mr Cabdi Dirir Cabdi u soo jeediyay Golaha wakiilada inay dhakhso u ansixiyaan xeerkan ”Waxaanu Rajo ka qabnaa inuu Baarlamaanku arinkaas Ansixiyo,Waa arin Baahi wayn Shacabka somaliland u qabaan,Waxaanan Leeyahay Sida ugu dhakhsaha badan u ansixiya Si ay Reer Galbeedku Baanan Caalami ah Dalka Uga furan”

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here