Gabiley, (HargeisaPress) —Suldaanka sadexda gobal ee awdal salal iyo gabiley suldaan ibraahim jaamac bookh ayaa lacag dhan 15000$ ku wareejiyey gudga abaaraha gobalka gabiley deeqdan oo uu suldaanku sheegay inay kasooo gaadhey daafaha dunida isla markaana ay yihiin qurbajoogta reer gabiley ee Ku nool wadamada qurbaha Somaliland.
Ugu horay waxa deeqdaasi la wareejiyey ka hadley qaar ka mid ah gudiga abaaraha gobalkani gabiley islamarkaana aad iyo aad ugu mahadnaqey dadka lacagahan kusoo hagaajiyey suldaaan ibraahim jaamac boobkh islamarkaan sheegay inuu suldaanku sidii loogu talogalay usoo gaadhsiyeey gudiga abaaraha oo ay iyuguna gudi aahaan gaadhsiiin doona dadkii loogu talogalay ee dhibta aabartu haleeshey iyadooo hada lagu jiro wakhti rooobab ah oo ay deeqihii raashimada ahaa ubadali doonan in beeraha loo qado lana xooleeyo madaama oo ay dhibtii abaartu dad iyo duunyaba wax yeelayeen oo aanu xoolo usiin doono.
Sidoo kale waxa isna ka Hadley suldaan ibraahim jaamac bookh oo isaguna aad u amaanay dadwaynaha reer gabiley ee qurbajoogta ah ee deedani kusooo hagaajiyey islamrkaan suldaan ahaan uu manta ku wareejiyey cidii loogu talo galay ee ahayd gudiga abaraha gobalakni gabiley. Suldaan ibraahin jaamac samatar oo ah suldaaka sadexda gobo ee Awdal salall gabilay ayaa manta lacageed ku wareejiyay gudiga abaaraha heer gobol iyo maamulka gobolka iyo ka degmada isaga oo sheegay in deeqdani ay kazoo gaadhay jaaliyada reer gabilay eek u kukala nool daafaha dunida sidoo kale suldaanka ayaa si gaaara shaqsi ahaantii ugu deeqay lacag dhan 15000 oo dolr dadka ay abaaruhu saameeyeen masuuliyiintii halkaa kahadashayna waxa halkaa kamid ahaa .
Si kastaba ha ahaatee dadka kunool deegaanka gabilay ayaa kagudbay wejigii biyo dhaaminta ahaa balse ugudbay weji cunto raadin ah maadaama ay xoolaha intoodii badnayd ku laden diifta daalka haraadka dhibta iyo gaajda ka soo gaadhay abaartii soo martay.
Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley
Email: wacay28@hotmail.Com