Hargeysa, (HargeisaPress) —Afhayeenka gudida doorashooyinka Somaliland Saciid Cali Muuse ayaa maanta ka hadlay warar maalmihii u danbeeyey laysla dhex marayay oo sheegaya in dib u dhac ku imanayaan doorashooyinka is barkan ee la filayo inay horaanta sanadka 2017-ka ka qabsoomaan gudaha dalka Somaliland.
Afhayeenka gudida komishanka doorashooyinka Mud. Saciid Cali Muuse ayaa waraysi uu siiya Wariye Badri Koosaar oo ka tirsan Talafeshanka Star Tv ayaa ka waramay halka ay marayso u diyaar garawga diiwaangalinta codbixiyayaasha ee ka bilaamaysa gobolka Sool. Geesta kale Afhayeenka ayaa bulshada gobolka Sool iyo Buuhoodle ugu baaqay inay codkooda muujiyaan oo ay u soo baxaan diiwaangalinta codbixiyayaasha.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP