Ceerigaabo (HP): Guddida abaaraha heer Qaran ee gurmadka abaaraha ayaa maanta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ka daahfuray, barnaamijka taakuleynta dadka abaaruhu saameyeen.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag mudane Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay in gurmadka guddida abaaraha heer Qaran ay soo gadhsiiyeen, in ay dhan tahay saddex kun iyo afar boqol oo qoys.
Guddida abaaraha ee heer Qaran ayuu uga mahad celiyay soo gaadhsiinta raashinka loogu tallo galay dadka sida ba’an abaaruhu u naafeeyeen.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.