Guddoomiye Cirro Oo Maanta Salaadii Jimce La Tukadey Boqolaal Ka Mid Ah Shacabka Magaalada Ceerigaabo + SAWIRO

0
886

Ceerigaabo, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta salaadii Jimce masjidka weyn ee Tawfiiq kula tukadey boqolaal ka mid ah shacbi weynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag.

7-9

Waxaana guddoomiye Cirro ku wehelinaayey tukashada salaada jimce xildhibbaan Rayte, Xildhibbaan Maxamed Saalax, mas’uuliyiin iyo xubno kale oo ka tirsan xisbiga WADDANI, ku waasi oo dhammaantoodba maalmahii ugu dambeeyey socdaal shaqo ugu joogay magaalada Ceerigaabo.

2-24

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo tukashadii salaada ka dib halkaasi kula hadlay dadweynahii tukanaayey salaada Jimce, ayaa ugu horreyn Eebe ka baryey in uu ka aqbalo tukashada salaada iyo acmaasha suuban, waxaana uu ku dhiiriyey in ay ka wada shaqeeyaan amaanka iyo wada-jirka shacabka dega gobalka, isaga oo sida oo kalena isla jeerkaas ku booriyey in ay qaataan kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland.

6-10

Ugu dambeyntiina, guddoomiye Cirro, ayaa markii isaga iyo mas’uuliyiinta kaleba ay soo gutteen gudashada waajibka salaada Jimce, waxa afaafka hore Masjidka Tawfiiq isa soo dhoobay qaar ka mid ah dadweynaha ku tukanaayey Masjidkaasi kuwaasi oo safaf uga galay salaamidda guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro, iyada oo dhammaanba dadkaas ay ka muuqatay dareen jaceyl oo muujinaayey hilow iyo heelanaan badan oo ay u qabaan guddoomiye Cirro, waxaana kaftan badan iyo erayo duurxul ah ka dib ay isu maca salaameeyeen niyadsami iyo qalbi furnaan.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here