Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo In Muddo Ahba Booqasho Ku Joogay Wadanka Finland Oo La Kulmay wasaarada Arimaha Dibadda Ee Dalka Finland + SAWIRRO

0
813

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo in mudo ahba booqasho ku joogay wadanka Finland ayaa waxa uu la kulmay wasaarada Arimaha dibadda ee dalka Finland.

 

Guddomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo kulan dheer la yeeshay wasaarada Arrimaha dibeda ee Finland aya waxay ka wada xaajoodeen Xaalada guud ee Somaliland halka ay marayso iyo arrimo kale oo khuseeya mandaqada Geeska Africa ba.

 

Ugu horeyn Guddoomiye faysal  wax uu uga mahad celiyey sida hagar la’aanta ah ee wadanka Finland u caawiyo Jamhuuriyada Somaliland.

fay_fin_01

Waxaanay si gaara uga wada uga wada hadleen Arrimaha Halka ay marayso Diwaan galinta Cod bixiyaasha ee hada ka bilaabantay Gobaolka Togdheer iyo habsami u socodkeeda

 

Sidii loogu fidin ama loo gaadhsiin lahaa Diwaan galinta degmooyinka Sanaag Bari iyo gobolka Sool Guud ahaan.

 

Sida Madaxwaynaha Somalia caqabad ugu yahay wada hadaladii Somaliland iyo Somalia. Iyada oo Halkii xal loo heli lahaa ina laba dawladood nabad waarta ku gaadhi lahaayeen uu haatan bilaabay in carqalad iyo Amaan daro u soo waarido dalka Somaliland ee nabada ku Caano maalay.

 

Arrinta maamulada qabaa’ilka ku dhisan ee ka socota Soomaaliya oo u jihaysan in dagaalo horle oo qabaa’il iyo dhul balaadhsi ku salaysan ay horseedaan.

 

Waxa kale oo aguddoomiye Faysal u soo badhandhigay Sida Somaliland u danaynayso in ay ka Finland Iyo Wadamada scandinavianku uga qayb qaadan lahaayeen wadahadalada Somalilland Iyo Soomaaliya.

 

Waxaanu caddeeyey Guddoomiye Faysal in aan Somaliland Ka qayb gelidoonin shirka ka dhacaya wadanka Turkiga bishan 23 keeda. Oo aanu khusayn Jamahuuriyada Somaliland.

 

Gebagabadii waxay isla af garteen in aanay hadda munaasib ahayn in la sii wado wada hadaladii u dhaxeeyey Somliland iyo Soomaaliya, ee la sugo inta doorashadu ka dhacayso Soamliland oo dawlada cusub ee ka dhalataa sii anbaqaadi doonto wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya. Iyadoo dhawaana la sugayo in ay dawlad cusub doortaan Soomaaliya.

 

Kulankaas ay ku soo afmeermay Isfaham iyada oo Xukumada Finland u balan qaaday in sii xoojin doonto wada shaqaynta iyo taageerada ay u fidiso Somaliland.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here