Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo bogaadiyay wufuudii ka qayb-gashay Bandhigga Buugaagta

0
1590

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasibad ballaadhan oo lagu soo xidhayay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa.

Bandhigga oo sannadkan galay kalkiisii 17aad, ayaa habeenimadii xalay lagu soo gabogabeeyey Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, kaasi oo lixdii cisho ee ugu dambeeyay si xidhiidh ah uga socday Habeen iyo Maalinba, ayaa Sannadkan Hal-ku-dheg looga dhigay “Is-ahaansho”, waxaana si gaar ah uu Marti ugu ahaa Dalka Tunisia.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa Dr Jaamac Muuse Jaamac, ayaa ugu horayn wuxuu u mahad-celiyey guud ahaan wufuudii iyo dadkii kala duwan ee Dunida iyo dalkaba isaga yimi ee ka soo qaybgalay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkani yahay kalkiisii 17aad ee Naadiga Redsea Culutural Foundation oo ay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa qayb ka tahay in ay si xidhiidh ah u qabtaan tan iyo markii la bilaabay 2008-dii.

Waxanu Guddoomiye Jaamac Muuse Jaamac uu si gaar ah ugu mahadnaqay, Shaqaalaha Xarunta Dhaqanka iyo 25 Dhalinyaro is-dirayaal ah oo gobollada Somaliland isaga kala yimi.

Sidoo kale, waxa uu mahadnaqay Hargeysa Group Hospital oo sannadkan ku cusbaa ka qayb-galka Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, iyaga oo Shaqaalaha qaybaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ka kooban yahay adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah u samaynayeen ka-qaybgalayaasha Bandhigga iyo Dadka xarunta soo booqdayba.

Waxa iyagana uu u mahadnaqay Shirkadaha dalka iyo cidkasta oo ka qaybqaadatay ama taageerada Bandhigga kaalintooda ka gaysatay, isagoona Guddoomiyuhu halkaasi ku abaalmariyay Shaqsiyaad dedaal iyo karti muujiyay oo qayb ka ahaa hawlaha Bandhiggan 17aad.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ayaa dhinaca kale munaasibadda xidhitaanka Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, waxa uu Shahaadooyin ku guddoonsiiyay 40 Arday oo todobaadyadii u dambayay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ku baranayay qoraal-curinta toolmoon iyo culuum kale, kuwaas buuxiyay shuruudaha waxbarasho ee looga baahnaa muddadii tabobbarradu socdeen.

Dr. Jaamac Muuse Jaamac, Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa, waxa uu soo bandhigay Buuggii ugu iibsiga badnaa intii Bandhigga 17aad socday.

“Buuggii ugu iibsiga badnaa intii Bandhiggani socday waa Buugga Maana-Faay ee uu qoray Allaah ha u naxariistee Qoraa Maxamed Daahir Afrax. Buugga labaad waa The Invincible State ee uu qoray Dr. Jaamac Guuleed. Buugga Saddexaad waa Danjire Koongo, kaalinta afraadna waa Buugga Boqol Mashruuc iyo Mashruuc ee uu Sheekh Xamse qoray halka kaalinta Shanaad uu galay Buugga ‘Ri’ baa Cuntay’ oo ay qoreen dhalinyarada sannadkii hore halkan Qoraal-curinta toolmoon ku baratay. Markaa Buugaagta ugu socodka iyo iibka badnaa waa shantaas Buug, hambalyo ayaan leeyahay guud ahaan. In Buugga Maana-Faay noqdo Buugga ugu iibsiga badnaa waxay diraysaa farriin weyn oo ah qiimaha Akhriska, gaar ahaan Fikshanku (Hummaag-abuur) Dhalinyaradeenna la leeyahay, aad bay ii farax-gelisay.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here