Guddoomiyaha SOLJA Oo Shaaciyay Musharaxnimadiisa

0
1095
Gudoomiyaha Ururka Saxaafiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) PHOTO FILE

Hargeisa( Hargeisa Press): Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ahna suxufi tobanaankii sannadood ee u dambeeyey ka shaqaynayey Warbaahinta Maxamuud Cabdi Jaamac, ayaa shaaciyey inuu u sharaxan yahay Golaha Wakiillada JSL.

Maxamuud Cabdi Jaamac, ayaa sidaasi ka sheegay kulan lagu qabtay Magaalada Hargeysa, waxaana halkaasi ku sugnaa xubno suxufiyiin ah iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ku taageeray damaciisa siyaasaddeed.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Cabdinaasir Cumar Jaamac, ayaa sheegay in Guddoomiye Xuuto uu yahay shakhsi lagu qiimeyn karo geedi-socodka iyo qaabeynta nololshiisa.

Maxamuud Cabdi Jaamac oo laba jeer noqday Guddoomiyaha Ururka SOLJA, waxa uu ka soo shaqeeyey Warbaahin kala duwan, iyadoo loogu xasuusan ogyahay in uu wakhti dheer ahaa Guddoomiyaha Warbaahintii Waaheen Media Group oo ka koobnayd Wargeys Maxali ah, Idaacad iyo mareeg wararka tebisa.

Waxaana intii uu Wargeyskaasi madaxda ka ahaa uu ku guulaystay Abaal-marin caalami ah, iyadoo uu xilligaasi Wargeyskiisu kamid ahaa warbaahinta ugu afka dheer ee wax ka qorta arrimaha siyaasadda iyo bulshada, kuna galay xadhig iyo handadaad.

“Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), waa qof leh dabeecadaha hogaamineed iyo Karti uu kaga soo bixi karo shaqada xildhibaannimo haddii uu ku guulaysto. waa qof aad u qalbi furan, wax badanna ka fahamsan waxa ay tahay masuuliyadda xilku, markaa waan ku bogaadinayaa in uu muujiyey damaciisa ah in uu tago meel kale oo uu wax uga qaban karo bahda Saxaafadda ee uu ka tirsan yahay”sidaasi waxa yidhi Tafaftiraha guud ee Gobanimo news Agency Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale) oo muddo shan sannadood ah ka tirsanaa soo saareyashii Wargeyska Waaheen ee uu Xuuto madaxda ka ahaa.

Tafaftire Kalshaale ayaa intaasi ku daray “way dhici kartaa in dadka qof si’ u  qiimeeyo shakhsi, laakiinse annaga (Suxufiyiin) wuxuu noogu qiimeysan yahay Nin meel kasta oo uu jooggo u halgami doona sidii loo heli lahaa Suxufi iyo Saxaafad Xor ah oo horumar sameeya”ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn Maxamuud Cabdi Jaamac waxa uu kamid noqon doonaa tobanaan murrashax oo shaaciyey damacooda tartanka Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee isa saaran oo la filayo in ay qabsoomaan horaanta sanadka 2021.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here