Guddoomiyaha KMG Ee Golaha Shacabka oo Ka Badbaaday Isku Day Dil

0
774

Muqdisho (Hargeisa Press) Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka ah ee golaha shacabka Soomaaliya Cabdisalaan Axmed Dhabancad, ayaa sheegay in lagu soo weeraray hotel lagu dhaarinayay xildhibaannada laga soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddoomiye Dhabancad, waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya loo adeegsaday sidii looga hortagi lahaa dhaarinta xildhibaannada, wuxuuna sheegay in dhammaan xarumihii dowladda ee lagu dhaarin lahaa xildhibaanada laga hor istaagay

“Waxa dhacaya waxaan ku tilmaami karnaa, yaan waxba dhismin. Waxaan moodayay in la helay waayo aragnimo ku filan in helo dowlad oo dalku dhismo oo ummaddu dhibaatada ka yaraato. Waa kusii badanaysaa, weli dalku ma bisla,” ayuu yidhi guddoomiyaha kumeel-gaadhka ee golaha shacabka Soomaaliya.

Dhabancad, ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay inay shaqadooda sii wadayaan illaa laga soo doorto guddoomiyayaasha labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Guddoomiye Dhabancad, ayaa sheegay in caqabado badan ay doorashooyinka u dhigeen kooxda Farmaajo, iyadoo ugu dambeyna uu galabta ka badbaaday weeraray ay ciidamo loo diray.

Wuxuu sheegay in Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya iyo ku xigeenadiisa ay galabta u diideen teendhada Afisyooni, halkaas oo ay doonayeen in xildhibaanadan lagu dhaariyo.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inay tageen Hotel qof shakhsi ah uu leeyahay, si loo dhaariyo xildhibaanada, balse lagu soo weeraray, halkaas oo burbur baahsan uu ka soo gaadhay Hotelkii, sida uu sheegay guddoomiye Dhabancad.

“Markii ugu dambeysay ee aan Hotelka tagnay xabad ayaa lagala daalay goobtii aan ku sugneyn, ma garano ninkii hotelka lahaa cid u gudi doonta burburkii loo geystay, waxaas oo dhan waxaa loo sameynayaa yaan dowlad la dhisin, waxaan moodayey in la bislaaday, laakiin dhibku waa sii badanayaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad.

Wuxuu intaas ku sii daray in ciidamada ammaanka ay dhibkaas geysanayaan, madaxda qaarna ay qaladkaas ku amrayaan, balse wuxuu cadeeyey in nafta ay u huri doonaan dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here