Borama, (HargeisaPress) – Gudoomiyaha Ha”ayada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Mudane Sharmarke Geele Oo Kulan La Qaatay 50-Kii Qof Ee Ku Guulaystay Imtixaankii ay Qaadeen Sidoo Kalena Kulan La Qaatay Maamulka Gobolka Awdal Iyo Ka Degmada Borama.
Dhanka kale Ha”yada Shaqaalaha Somaliland ayaa maamulka gobolka Awdal ku wareejiyey kaadhadhka haayada shaqaalaha Somaliland.
“Xarumaha Waxbarashadu waxa ay Tayo ku dedaalaan marka ay Tacliintu wax ka Tarayso Tartan-ka Suuqa . Hambalyo dhammaan 50-ka Guulayste ee kasoo dhex baxay tartankii Shaqo ee Gobolka Awdal. Waa nal iyo naruuro u soo baxay dalka iyo adeega dawladda”Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed