Shirweynihii Tacliinta Sare Oo La Soo Gebagabeeyay iyo Qodobo Laga Soo Saaray

0
850

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Shirweynaha heer qaran ee tacliinta sare oo muddo laba maalmood ah ka socday magaaladda Hargaysa ayaa maanta la soo gebagabeeyay, iyadoo qodobo laga soo saaray xidhitaanka shirkaasi.

Shirweynahan ayaa mudadii uu socday lagu gorfaynayay arrimo ku saabsan sidii loo tayayn lahaa tacliinta sare  ee Somaliland waxaa soo qaban qaabisay wasaarada waxbarashada iyo Sayniska Somaliland.

Waxaana shirkaasi si rasmiya u soo xidhay wasiir ku xigeenka waxbarashadda Somaliland Maxamed Daahir Axmed.  Iyadoo  ay   ka soo qayb galay  agaasimaha tacliinta sare  Axmed Muuse Muruud, gudoomiyaha guddiga tacliinta sare Pro. Xuseen Xasan Guuleed, masuuliyiinta jaamacadaha dalka, madax kala duwan iyo daneeyeyaasha waxbarashadda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Maxamed Daahir Axmed,  oo hadal ka jeediyay gebagebadda   shirweynaha qaran ee tacliinta sare ayaa  shirkaasi ku tilmaamay   mid wax weyn ka bedeli doona qorshaha lagu horumarinayo tacliinta sare ee dalka.

Waxaanu sheegay in ka wasaarad ahaan ay xoojinayaan sidii kulamo badan oo lagu gor-faynayo tacliinta sare oo lagu  xoojinayo hannaanka waxbarasho ee lagu hagayo aqoonta,  si loo soo saaro dhalinyaro dalka wax tarta.

Sidoo kale waxaa xidhitaanka shirweynahaasi  hadal ka jeediyay agaasimaha waaxda tacliinta sare  ee wasaaradda waxbarashadda  Axmed Muuse Muruud,  oo ku dheeraaday ahmiyada uu shirkani lahaa   iyo sidii ka wasaarad ahaan ay u dhaqaajin lahayeen qorshe ay ku tayaynayaan kor-na ugu qaadayaan jaamacadaha dalka.

Waxaanu  halkaas  ka akhriyay qodobadda la isla qaatay ee ka soo baxay shirkaasi.

Qodobadda guud ee shirka ka soo baxay:-

  1. In shirkan laga dhigo mid sannadle ah oo la qabto sannad kasta bisha 12aad. Iyadoo hannaankiisa qaban qaabo iyo mawduucyada lagaga hadli doono ay soo diyaarin doonaan guddi farsamo oo ka kooban dhammaan bahda tacliinta sare ee Somaliland.
  2. In la fuliyo qorshaha Istraatajiyadda waxbarashada qaranka ee shanta sanno, qaybta kaga aadan tacliinta sare, oo dhigaya ‘in bulshadda Somaliland hesho waxbarasho sare oo tayo leh’. Si taasi loo gaadha na la fuliyo, lagu na dhaqmo hal-beegyadda tacliinta sare ee Somaliland loo dejiyay. Kormeer iyo qiimayn joogto ahna lagu sameeyo jaamacadaha dalka.
  3. In la dhammaystiro qiimayntii socotay ee jaamacadaha dalka, lana gaadho 15 jaamacadood ee hadhsanaa, warbixinta na lagu soo saaro sida ugu dhakhsaha badan.
  4. In jaamacadaha dalku aanay qaadan karin arday aan haysan shahaadada dugsiga sare. Jaamacadii qaadata na laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
  5. In takhasusyada iyo barnaamijadda ay Jaamacaduhu bixinayaan uu ka jawaabo baahiyaha dalku xirfadaasi u qabo. Si taasi loo xaqiijiyo waa in Jaamacadi na aanay bilaabin barnaamijyo aanay ansixin wasaaradda waxbarashada iyo komishanka tacliinta sare ee Somaliland.
  6. In Jaamacadaha ilaaliya tayada waxbarashada ee meel fiican ka gala qiimaynta ay samayso wasaaradda waxbarashadu la sheego, bulshada na loo tilmaamo.
  7. In macalimiinta ajaanibka ah la soo mariyo wasaaradda waxbarashada si loo xaqiijiyo inay haystaan shahaadooyinkii loo baahnaa.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here