Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo Golaha Wakiillada u sharaxay xeerka hawlgabka shaqaalaha

0
1207

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, ayaa maanta hor tagay xildhibaanada aqalka golaha Wakiillada.

Guddomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda, ayaa golaha ka hor akhriyay xeerka hawl gabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dowladda Somaliland, kaasi oo muddooyinkii u dambeeyay horyaallay golaha.

Waxaanu si qoto dheer Guddoomuhu u sharaxay muhiimada uu xeerkani ugu fadhiyo qaranka iyo sidoo kale doorka looga baahan yahay inay goluhu ku ansixiyaan.

“Waxa aan bayaaminayaa muhiimada uu leeyahay  xeerka hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dowladda, waxa uu ka kooban yahay xeerka hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dowladdu 8 cutub. 72 qodob waxa uu si guud uga hadlayaa hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dowladda. qodobada  xeerka waxa ku cad ha’yaddii maamuli la hayd hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha. waana markii koowaad ee aynu ka fikirno ee la sameeyo xeerka hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dowladda, waxaana xeerka uu abuurayaa ha’yadda maamulaysa hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dowladda,”.ayuu yidhi.

Khaalid Jaamac Qodax, ayaa waxa uu tilmaamay in hay’adda shaqaalaha dowladdu wado dib u habaynta casriga ee shaqaalaha dowladda.

”Waxaana ha’yadda shaqaalaha dowladdu wadaa dib u habaynta casriga ee shaqaalaha dowladda oo ku xidhan rifoomka maaliyadeed ee ay wado Wasaarada Maaliyaddu. waana labo Rifoom oo isku xidhan. waxa aanu dhamaystirnay nidaamka  darajooyinka ee mushahar bixinta,”. ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax.

Xildhibaanadda golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay cod gacan taag ah ku ogolaaday in ay sii amboqaadaan dooda xeerka hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dowladda.

Xeerka hawlgabka shaqaalaha iyo xaqsiinta shaqaalaha dowladda, waxaa hore waxka bedel iyo kaabis ugu soo sameeyay Guddi Hoosaadka Guddida Arrimaha Bulshadda ee golaha Wakiillada, iyadoona la filayo maalmaha soo socda ay goluhu ansixin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here