Guddoomiyaha Hay`adda Shaqaalaha Dawladda ayaa hortagay guddida Arrimaha Bulshada ee Gollaha Guurtida JSL + SAWIRRO

0
1057

Hargeysa (Hargeisa Press)– Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Mudane Khaalid Jamaac Qodax oo ay wehelinayeen Agaasimaha guud iyo Agaasimaha Hawl-gabka iyo Xaqsiinta, la taliyaha guddoomiyaha ayaa maanta xafiiskooda kula kulmay guddida Arrimaha Bulshada ee Gollaha Guurtida JSL.

Kulankaasi oo ujeeddadiisu ahayd in ay guddida arrimaha bulshadu su’aalo ka waydiiyaan Xeerka Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda oo Gollaha Wakiilada Somalilland ay u soo gudbiyeen gollaha Guurtida.

Guddoomiyaha ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey dhammaan su’aalihii guddidu ay weydiiyeen, iyada oo la isla qaatay wixii ay guddidu soo jeediyeen in kulan dambe lagu lafoguro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here