Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland ayaa ka difaacay bahda garsoorka eedaymo iyo dhaliil ay u jeediyeen qaar ka mida xildhibaanadda golahaasi oo ku tilmaamay in garsoorku fadhiid yahay.
Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa eedaha xildhibaanadaasi ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, isla markaana uu isagu u arko in shaqadda bahda garsoorku ay si fiican u socoto.
Guddoomiye Saleebaan, waxa uu sidan ka sheegay mar uu maanta xildhibaanadda Guurtidda la hadlayay kadib dood iyo falayn qayn ay ka yeesheen arrimaha garsoorka oo ay dhaliilo u jeediyaan.
Halkan Hoose Ka Daawo Guddoomiye Saleebaan Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.