Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse, ayaa waxaa uu faahfaahin dheeraad ah uu ka bixiyay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo, kaasi oo khasaare xoogan ay Ciidamada Qaranka Somaliland, gaadhsiiyeen kooxaha Huwanta ah oo magaalada soo weeraray.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo maanta kulan la qaatay taliyeyaasha guutooyinka ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag, ayaa sheegay in magaalada laga sifeeyay kooxihii Huwanta.
Waxaa uu Guddoomiyuhu sheegay in dagaalku uu ka dhacay dibadda iyo gudaha magaalada labadaba, isla-markaana ay ciidamada Somaliland guulo ka gaadheen, iyaga oo gacanta ku dhigay maxaabiis aad u tiro badan iyo hub kala duwan.
Guddoomiyaha, ayaa waxaa uu ka digay in la bililiqeysto guryaha dadka qaarkood ka qaxeen ee magaalada, isaga oo ciidamada amar ku siiyay in ay tallaabo ka qaadaan qof kasta oo xatooyo sameeya.
Sidoo kale, Guddoomiyaha, ayaa waxa uu ka digay dadka shacabka ah ee hubaysan ee qoryaha dhex sita magaalada, waxaanu ciidamada ku amray in ay xabsiga u taxaabaan qofkii qori lagu arko.
Waxa uu sheegay in dadka magaalada deggan aanay wax colaad ahi ka dhaxaynin, laakiin ay colaadu ka dhaxayso nidaam, iyo cid nidaamka duulimaad ku ah.
Ciidamada Somaliland, ayaa la wareegay xaafado ka tirsan magaalada oo lagu soo daadgureeyay kooxaha Huwanta.