Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo soo bandhigay caqabado Somaliland ka haysta maalgashiga

0
1415

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa sheegay inay caqabado waawayni Somaliland ka haystaan dhinaca maalgashiga iyo fahamka dhaqaale ee dalka.

Guddoomiyaha bangiga dhexe oo ka hadlayey shirka madasha dhaqaalaha qaran, kaasi oo maanta ka furmay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in dadka Reer Somaliland 27% kaliya ay xisaabaad ku leeyihiin Baananka dalka ka furan, taasoo uu sheegay inay yar tahay maalgaashiga ay dadku ka helaan bangiyadda.

Waxa kale oo uu tilmaamay daynta ay dadku baananka ka qaataan in loo baahan yahay inay baananku hoos u dhigaan, si buu yidhi dadweynuhu u samaysan karaan maal gashi.

Guddoomiyaha bangiga dhexe, waxa uu sheegay, in horumarkii dhaqaalaha dalka ay shuruuc la’aantu qaarkood saamayn wayn ku yeesheen oo loo baahan yahay in shuruuc wax ku ool leh in loo sameeyo.

Wacyigalin la’aanta bulsho ee dhinaca dhaqaalaha iyo maalgashiga, ayuu sheegay inay caqabad wayn ku tahay horumarka dhaqaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here